Muqdisho[RBC Radio]Madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud,ayaa si cadd ugu codsadey Baarlamaanka Soomaaliya,inay codka kalsoonida siiyaan R/wasaaraha cusub ee uu magacaabay C/wali Sheekh Axmed Maxamed.
Madxaweyne Xassan ayaa sheegay xilli uu hadlay magacaabista ra’iisal wasaaraha ka dib in uu kalsooni ku qabo C/wali Sheekh Axmed Maxamed,waxana uu inta ku daray inuu wax badan oo isbadal ah sameyn doonno R/wasaaraha cusub xilli dhow.
Waxaa uu inta ku daray madaxweynaha in xilligaan dalka uu ku jiro xilli uu baahan in uu ka gudbo,taasina ay keentay inuu xilligaan soo magacaabo R/wasaarahan cusub oo uu ku sheegay inuu yahay mid ku haboon shaqadan, isla markaana ka qeyb qaadan kara dib u dhiska dalka iyo soo kabashada dhaqaalaha, isagoo tilmaamay in waayo aragnimo buuxa u leeyahay dhaqaalaha iyo horumarka, oo uu hey’addo caalami ah soo hoggaamiyay.
Rasul wasaaraha cusub ee Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa xilkaan kala wareegi doonno Cabdi Faarax Shirdoon Saacd oo muddo hal sanno ah soo hayey hoggaanka sare ee xukuumada Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa uu sugaya C/wali Sheekh Axmed Maxamed,inay codka kasoonida ah siiyan muddanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo iyagu horrey u diray mas’uulkii ka horrey.
________
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho