Muqdisho[RBC Radio]Kulan ay maanta yeeshen gollaha wasiirada ee waqtigoodu dhamaadka yahay ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ay is ku raacen meel-marinta ka mid noqoshada Guddiga Nabadda iyo Xasilloonida Midowga Afrika oo Soomaaliya loo soo bandhigay.
Afhayeenka xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo saxaafadda la hadlay markii uu soo dhamaadey kulanka ay ayaa sheegay in golaha Wasiirrada ay dood dheer ka yeesheen mabaadii’da iyo ujeeddooyinka loo aasaasay guddiga iyo waxyaabaha ay Soomaaliya ka faa’iidi karto.
…”"”Golaha wasiirada waxay falanqeyn iyo dood dheer kaddib ka yeesheen inay Soomaaliya xubin buuxda ka noqoto golaha nabadgalyada iyo amniga ururka Midowga Afrika ee loo yaqaan Peace and security council waxay si buuxda isugu raaceen in Somalia ay golahan ka mid noqoto…”"” ayuu yiri Ridwaan oo la hadlay saxaafadda.
Sidoo kale ahayeenka isgoo sii hadlaya waxaa uu soo qaaday in go’aanka xukuumadda loo gudbin doono golaha Baarlamanka si uu u ansixiyo.
Wuxuu xusay in arrintan Soomaaliya loo soo gudbiyay xilli hore oo lagu jiray marxalad kumeel-gaar ah, markaas oo aanay dowladdii Soomaaliya awoodin inay saxiixdo.
Gudiga Nabadgelyada iyo Xasilloonida Midowga Afrika ayaa la aasaasay sanadkii nnadkii 2002-dii, waa mid ay dalalka Afrika si ku heshiiyeen dhismihiisa iyadoo howlihiisa ay ka mid yihiin.
______
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho