Muqdisho (RBC) Xiriirka Soomaliyeed ee kubadda kolayga ayaa kulan balaaran la yeeshay madaxda kooxaha heerarka 1-aad iyo 2-aad iyo sidoo kale garsoorayaasha kubadda koleyga iyadoo kulankaasi looga hadlay arimo muhiim u ah horumarinta kubadda koleyga dalka.
Kulanka oo ka dhacay xarunta XSKK ee Muqdisho ayaa waxaa shir gudoominayey ku-simaha gudoomiyaha ahna ku xigeenka XSKK Cali Xasan Cali,waxaana halkaasi warbixin kasoo jeediyey Cabdi C/laahi Axmed (Baasaalle) oo ah kaaliyaha xoghayaha XSKK isagoo ka waramay wax qabadkii iyo howlaha u yaala xiriirka oo ay ugu horeyso qabashada horyaalka heerarka 1-2aad oo dhowaan ka bilaaban doona Wiish Stadium.
“Waxaa halkaan idinkugu soo gudbinayaa sharciyada lagu dhaqi doono,tartanka horyaalka KK ee heerarka 1-aad iyo 2-aad inagoo aaminsan inaad soo buuxin doontaan dhamaan shuruudaha horyaalka looga qeybgeli doono isla markaana aad dhowri doontaan sharciyada u yaalla”ayuu yiri baasaalle.
Ku-xigeenka ahna kusimaha gudoomiyaha XSKK Cali Xasan Cali ayaa kooxaha u diiwaan gashan xiriirka ku amaanay sida had iyo jeer ugu howlanyihiin u diyaargarowga horyaalka,isagoo xusey in horyaalka 2013-14 uu ,noqon doono mid ka xiiso badan horyaaladii hore maadaama ay kooxuhu u dagaalami doonaan inay kaalimaha hore galaan,halka kuwa kalena ay ka carari doonaan inay hoos u dhacaan.
“Xiriirku wuxuu ka shaqeyn doonaa sida dalka u heli lahaa ciyaaryahano tayo sare leh oo KK waana la soconaa inaad iminkaba heeysataan xidigo aad u wanaagsan dhamaan kooxaha,laakiin qabashada horyaalkan waxaanu ka fileynaa in la heli doono oo aad keeni doontaan ciyaaryahano hor leh oo mustaqbalka XSKK ku faani doono”ayuu raaciyey.
Horyaalka kubadda koleyga ee heerarka 1-aad iyo 2-aad ayaa waxaa lagu wadaa inuu si rasmi ah u bilowdo 20-ka bishan December,iyadoo maalintii la ciyaari doono 2 ciyaarood oo kala ah kulanka heerka 2-aad oo hor bilaaban doona,2:30 duhurnimo,marka uu dhamaadana waxaa garoonka ka bilaaban doona kulanka heerka 1-aad.
RBC Radio