Garoowe (RBC RADIO) Wasiirka Haweenka Puntland Marwo Xaliimo Xaaji Xasan oo soo gaartay Magaalada Garoowe Maanta waxay sheegtay in ay kusoo guuleysatay in Puntland laga dhiso ISbitaal ugaar ah Hooyada iyo Dhalaanka kaasi oo wax badan u tari doona Haweenka Soomaliyeed qaasatan kuwa Puntland ku nool qorshahaasna uu ahaa mid ay in dhawaaleba ku daba joogtay hadase ay ku guuleysatay soona saxiixda sida ay Wasiiradu hadalka u dhigtay iyadoo tilmaantay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay howshaasi u bilaaban doonto.
Wasiir Xaliima waxay kaloo Tilmaantay in Guul wacan ay kasoo gaartay shaqooyin kala duwan oo ay u taktay dalal kala duwan kaasi oo ay kala hadleysay arimaha Haweenka Puntland iyo sida ugu haboon ee loo hormarin karo waxayna cadeysay in Kulamadaasi oo idil ay Guul kasoo gaartay mar dhawna ay faafaahin ka bixin doonto, wasiirada waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey dhamaan Asxaabta Wasaarada oo ay ugu horayso Wasiir ku xigeenka Wasaarada iyo Agaasimaha Guud.
Marwada oo mudo 3bil ah ku maqnayd safaro kala duwan ayaa soo laabashadeeda wuxuu kusoo aadayaa xili ay Wasaarada Haweenka ka socdaan Barnaamijyo kala duwan oo lagu hormarinayo haweenka iyo Caruurta Xuquuqdoodana lagu raadinayo iyadoo xuskii ugu dambeeyey ee Wasaaradu ay qabato ay ahayd Maalinta Caruurta Aduunka oo si wayn Wasaaradu u xustay.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.