Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20152

Waddooyin Muqdisho u xiran ciidamada amniga

$
0
0
Jidad Nuqdisho ku yaall oo la xiray

Jidad Muqdisho ku yaall oo la xiray

Muqdisho[RBC Radio]Magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya waxaa maantay lugu arkayey ciidamo aad ufara badan oo isku gooyey qeybo ka mid ah waddooyinka muhiim ka ah ee magaalada.

Ciidamo ka tirsan Booliiska Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xiray wadada muhiimka ah ee Maka Al-Mukarama, halkaasi oo saaka ilaa hada ay xiran tahay.

Illaa hadda lama xaqiijin sababta ciidanka Booliiska Dowladda ay uxireen wadadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho,walina wax war ah saraakisha amniga kama aysan soo saarin xiriitanka jidkaan.

Arrintaan waxaa ay imaanaysa xiilli shalay kaliya Muqdisho uu ka dhacay dil loo gestay macalimad ka shaqeysa Jaamacada Soomaaliya iyo Xildhibaan gaarigiisa qarax miino lagu xiray oo Muqdisho ku geeriyooday.

____
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20152

Trending Articles