Boosaaso(RBC Radio) Musharax Maxamed C/Nuur Xirsi oo u taagan xilka madaxwaynaha puntland ayaa manta si diiran loogu soo dhaweeyay magaalo madaxda gobalka Bari ee Boosaaso xili manta uu soo gaaray kadib safar uu saaka uga soo kicitimay magaaladda qardho ee gobalka Karkaar.
Dadwyne farabadan oo watay sawirka musharaxa ayaa uga hortagay afaafka magaaladda laga soo galo iyagoo ku dhawaaqayay kalmado ay ku soo dhawaynayeen.
Musharax Maxamed Cabdinuur Xirsi oo Saxaafada iyo dadweynihii soo dhaweeyey kula hadlay gantaroolka laga soo galo magaaladda Boosaaso ayaa sheegay inuusan kalmado kooban ku cabiri karin soo dhaweeynta loogu sameeyey maanta magaaladda Boosaaso balse dadkii soo dhaweeyey uu u mahadcelinayo.
Sidoo dhanka kale wuxuu Cambaareeyey Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee lagu laayey Ciidamada ammaanka Puntland iyo dad shacab ah,wuxuuna TACSI u diray ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxaas iyo kuwii ku dhaawacmayba.
Musharax Maxamed Cabdinuur Xirsi ayaa shacabka ka codsaday iney meel uga soo wada Jeestaan kuwa dulmiga iyo dhibaatada ku haya isla markaana uu dagaal ku qaadi doono haddii uu xilka Madaxtinimada Puntland ku guuleysto.
______________
RBC Radio