Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Nicholas Kay iyo Ku-simaha R/wasaaraha Soomaali Saacid oo cambaareeyey Qarixii Boosaaso ka dhacay

$
0
0
Saacid

Saacid

Muqdisho[RBC Radio]Sii haya xilka R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maantay si kulul u cambaareeyey qaraxii lala egtay ciidamada badda ee Puntland kaaso ka dhacay magaalada gacansiga ah ee Boosaaso.
Hadal ka soo baxay Saacid waxaa lugu yiri  “Waan cambaareynayaa qaraxii maanta ka dhacay Magaalada Boosaaso ee dadka badani waxyeelado ka soo gaartay kuwaasi oo u badnaa dad shacab ah oo an waxbo galabsan sida uu yiri Mudane Saacid.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxaa uu soo qaaday Cabdi Faarax Shirdoon Saacid”Kooxaha nabadiidku waxay mar kasta dhibaatada ugu badan u geystaan shacabka aan waxbo galabsan, mana ka daalayaan daadinta dhiiga shacabka” ayuu mar kale yiri Mudane Saacid”
Sii hayaha xilka Ra’isal wasaarnimo ee dalka Mudane Cabdi faarax Shirdoon Saacid ayaa ugu dambeyn tacsi u diray dadkii ku geeriyooday weerarkii maanta ka dhacay Magaalada Boosaaso wuxuuna alle uga baryaya inuu janada geeyo, samir iyo iimaana ka siiyo dadkii ay ka geeriyoodeen iyo dhamaan ummadda Soomaaliyeed.

Nicholas Kay

Nicholas Kay

Dhinaca kale ergeyga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa isna  ka hadlay qaraxaasi maantay ka dhacay  magaalada Boosaaso ka dhacay.

Danjire Kay oo xafiiskisa qoraal ka soo saaray waxaa uu ku sheegay qaraxaasi  mid fulaynimo ah, wuxuuna sheegay in  Qaramada Midoobay ay ka xuntahay aadna u cambaaraynayso.

“Falalka caynkan ah ee fulaynimada ahi waa kuwo bilaa ujeedo ah ” Nicholas Kay ayaa yiri isagoo intaas raaciyey “waxan garab taagannahay dadka reer Puntland si ay u xaqiijiyaan helitaanka deggenaansho iyo horumar”

Waxaa qoraalka ka soo baxay Mr Kay lugu soo xiray tacsi uu u diray dadka eheladooda qaraxaas ku waayey, isagoo kuwa ku dhaawacmayna u rajeeyey caafimaad deg deg ah.

Qaraxii is-miidaaminta ahaa ee maanta magaalada Boosaaso ka dhacay, waxaa lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa badda ee Puntland, waxaana ku dhintay siddeed qof iyadoo ay soddon iyo todoba qof oo kalena ku dhaawacmeen.
_____
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles