Addis Ababa[RBC Radio]Sida lugu sheegay war soo baxay kadib kulan dhex maray madaxda dalalka Itoobiya iyo Suudaan waxaa sheegay in labada dal ay ka hadleen sidii gacan buuxada ay usiin lahaayeen dalka Soomaaliya oo muddo kor udhaafaysa 22-sanno an helin wax xasilooni ah.
Kulanka madaxda labada dal ayaa ahaa mid sidii kale xal buuxa looga gaaray muran ka dhashay xuduuda labbada wadan, waxaana heshiiskii labbada dal sidoo kale lagu daray taageero midaysan oo ay siin doonaan dalalka kale ee barriga Afrika gaar ahaan Soomaaliya.
Warkaasi waxaa qaxiijiyey afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda ee Suudaan oo la yiraahdo Abuubakar Al Sadiiqi,waxana uu sheegay in Itoobiya iyo Suudaan ay heshiis buuxa ka gaareen murankii xuduudaha ee wakhtiga dheer soo jiitamayey, labbada dal ayaa heshiis kala saxiixday.
Sidoo kale waxaa uu soo qaday qaaday afhayeenku in ay sidoo kale madaxda labbada wadan isla soo hadal qaadeen sidii xal loogu heli lahaa xasiloonida gobolka, masuuliyiinta Itoobiya iyo Suudaan ayaa si buuxda isugu raacay in Soomaaliya lagala shaqeeyo dhinaca amaanka.
Waxana warkaan uu soo baxaya xilli ciidamo ka socda dalka Itoobiya ay ku suganyihiin gobolo ka tirsan Soomaaliya, isla markaas waxay Soomaaliya ka taageeraan la dagaallanka kooxda Al-shabaab.
Dhinaca kale R/wasaaraha Itoobiya ayaa dhowaan sheegay in ciidamadiisu ay ku biiri doonaan howl-galka AMISOM, Suudaan ayaanse iyadu ku jirin howl-galka sidoo kale ma jiro taageero muuqda oo ay siiso Soomaaliya marka laga reebo xiriirka iyo diblumaasiyada.
_____
RBC Radio