Garoowe (RBC RADIO) Qof walba oo Soomaali ah waxaa dhagahiisa ka batay Xulkii Soomaaliya oo darsin Goolal ah looga badiyay taasoo keentay in shaqsi kasta oo muwaadin soomaliyeed ah uuka han jabo heer ka gaarida K/Cagta ee Dalka Soomaliya marka laga reebo tiro kooban kuwaasi oo aan ka rajo dhigin in mar un la helo cayaartoy awood leh midaysan dalkana usoo jiidi kara Heer wacan iyo sharaftii lagu aqoon jiray.
Halkee wax ka qaldan yihiin.
Dad badan ayaa aaminsan fikirkoodana kusoo gudbiyay in Cilada ugu wayn ay tahay in Cayaartoyda Soomalida lagu soo koobay Magaalada Muqdisho oo Gobolada Kale ee Dalka aan wax xulis ah lagu samayn taasoo muujinaysa xad gudub iyo hanjab lagu samaynayo dhalin yarada kale ee ku nool Gobolada Dalka una hanqal taagaya in ay ku biiraan laacibiinta qaranka lehna xirfad iyo farsamo xeeladeysan oo ay ugu qalmi karaan in Qaranka lagu daro laguna dhiiri geliyo sii wadida Cayaaraha Kubada Cagta.
Masuuliyiinta Hogaamiya Sportska Dalka ee ka Madaxbanaan Dowlada Soomaliya waxay dhawaan xaqiijiyeen in Gobolada Puntland iyo S-Land aysan aamin sanayn in uu ka jiro Cayaaro amaba laga xiiseeyo Cayaaraha Kubada Cagta iyagoo ilowsan in dhamaadkii sanadii 2010ka Tartan Kubada Cagta Soomaliya ah oo Garoowe lagu qabtay in Kaalinta 2baad iyo tan 3xaadba ay galeen Gobolada Barri iyo Nugaal halka Gobolka Banaadirna uu galay Kaalinta 1aad koobkina ula hoyday Caasimadi dalka ee Xamar taasoo muujinaysa in gobolada kale ee Soomaliya aad looga xiiseeyo Cayaaraha ayna jiraan dhalin yaro xoog iyo xirfadba isku darsaday hase ahaatee laga hiiliyay hanjabna lagu riday qaarkodna ay dalak ka tahriibeen sida ay dadka isportska falanqeeya ay sheegaan qaar ka mikd ah.
Laacibiinta oo aan la simin maxaa laga dhaxlay.
In cayaartoyda aan si siman looga qayb galin Kooxda Qaranka, in aan la dhiiri gelin Cayaaraha sida hoose iyo sida dhex dhexaadka ku socda ee Gobolada kale ee Dalka ka jira oo lagu koobnaado Muqdisho, in Garoomadi Kale ay qaawan yihiin oo ay liitaan halka kuwa Muqdishona lagu xardhay Cawska Dabiiciga ah aadna loo qurxiyay, waxay sabab u noqdeen sida ay dad badan oo Soomaaliyeed ay sheegaan in Xulka Magaca Soomalida Xambaarsan ee dalalka Dariska ah cayaaraha u aada si niyad jab ah oo liidata looga badiyo ayna dib usoo laabtaan iyagoo Magac xumo usoo jiiday Qaranka iyo Umada Soomaaliyeedba ayna sii jiri karto in Qaladkii dhacay lagu soo dhiiranaado oo aan leys daba qaban.
Hadaba maxaa loo baahan yahay.
Dadka Cayaaraha ku xeeldheereeya waxay sheegaan in loo baahan yahay in sida ay wax u socdaan is bedel lagu sameeyo Cayaartoyda Dalka, Gobolada Dalka, iyo Degmooyinka Dalkana lasimo oo aan sidii la doono laga yeelan, si dhalinyarada ay uga baxdo kalsooni darada ay ka qaadeen Soomaali oo mar kale quwad ku yeelata dhanka Cayaaraha Kubada Cagta sida lagu yaqiinay, waxaa sidoo kale la sheegay in raga Qaabilsan Arimaha Cayaaraha Dalka ay gobol Kasta ka sameeyaan dhiiri gelin iyo tartan Maadaama Aysan hoos imaan Dowlad, Maamul iyo wixii la mid ah si ay u yaraato eedeynta loo hayo ee ah in ay noqdeen xagjiriin gobol kaliya ku ekaaday.
Natiijadii ugu dambeesay ee Xulka Soomalida ay la kulmeen intii lagu guda jiray Cayaaraha Bariga iyo bartama Africa waxay ahayd mid hooseysa waxaana ku tuntay Dalalka Burundi iyo Tansaaniya iyadoo ay harsan tahay xulka dalka Saambiya, waxaana la sheegay in rajada Xulka Somaliya uu yahay mid hooseeya oo ay sidaa ku hareen iyagoo ku jiray Groupka (B) waxaase muuqatay Dhalinyaradii Qaranka matalayay in ay dadaal muujiyeen Walow ay ahaayeen kuwo si kadis ah lagu soo waday oo aan diyaarsanayn ayna usii dheerayd hal Gobol in laga soo xulay.
Ibrahim Wadani
Xafiiska Wararka Garoowe.