Garoowe (RBC RADIO) ISimada Puntland ayaa shir saxaafadeed ay Garoowe ku qabteen qaarkood waxay ka hadleen Dagaalkii Taleex ka dhacay ee Khaatumo iyo Puntland dhexmaray waxayna sheegeen in mar walba aan loo baahnayn dagaal ka dhaca dadka walaalaha ah ee wada dagan, Isimadu waxay ku baaqeen in iska hor imadka la joojiyo wax walbana lagu bedelo nabad iyo wada hadal si meesha looga saaro in Dagaalku sii weynaado qasaaraha iyo dhimashaduna ay sii balaartaan.
Afhayeenka Isimada Puntland Garaad C/Laahi Cali Ciid oo hadlay wuxuu sheegay in ay ku talinayaan kuna baaqayaan dagaal dambe in uusan dhicin wax walbana lagu xaliyo wada hadal iyo is afgarad, xaalada iminka lagu jiro ayuu sheegay garaadku in aysan ku haboonayn in leys dagaalo balse taa bedelkeed ay qumaneynd in gacmaha leys qabsado hal meelna loo wada jeesto lagana hortago Cadawga sida uu garaadku hadalka u dhigay.
Suldaan Siciid Maxamed Garaase wuxuu daboolka ka qaaday in ay ka nexeen dagaalka taleex ka dhacay ee dadka walaalaha ah ku dhexmaray ayna tacsi iyo tiiraanyo u dirayaan ehelada iyo qaraabada arintaasi ay saameysay, wuxuu ka digay dagaal kale in uu ka dhoco magaalada wuxuuna tilmaamay in Nabadgelyada ay tahay astaan lagu yaqaan dadka wada daga ee puntland si wada jir ahna wax walba lagu xaliyo.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.