Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweyne Xasan oo la kulmay safiirka Nigeria u qaabilsan Soomaaliya[Sawirro]

$
0
0

3

Muqdisho[RBC Radio]Madaxweynaha Jamhuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Villa Somaaliya ku qaabilay Safiirka Dowladda Nigeria Mudane Akin Oyateru.

Waxaa kunalkaasi goob joog ka ahaa R/Ku Xigeenka ahna Wasiirka arrimaha dibadda Marwo Fawsiya Yuusuf Xaaji a,Wasiir A.F.Okoh iyo Saraakiil sare oo booliska Najeeriya ka tirsan waxeyna muujiyeen in ay Nijeeriya ka go’antahay taageeridda dowladda Soomaaliya. Waxaa la ogyahay in kooxaha argagaxisadda ee Al-Shabaab iyo Boka Haram in uu xiriir ka dhaxeeyo .

Dowladda Nigeria ayaa waxaa ay qeyb ka ahaayeen ciidamadii UNISOM ee sanadkii 1991 ka howl galay Soomaliya

2

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu yiri “ Soomaaliya waxey ku soo jirtay dagaal muddo dheer soo socday oo la dagey dhammaan hay’adaha dowladda oo hadda aan dib-u-dhis ku wadno. Dowladda Nigeria waxey hadda qeyb ka tahay Ciidamadda booliska AMISOM.

Safiirka Nijeeriya ayaa wuxuu Madaxweynaha u gudbiyay warqad uu ka siday Madaxweynaha Nijeeriya Mudane Goodluck Jonathan taas oo lagu casuumay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya in uu booqasho rasmi ah ku tago dalka Nijeeriya.

1

4

_____
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles