Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegtay inaysan jirin wax taageero ah oo Soomaaliya ay ka heshay Midowga Yurub . ” Ballanqaad uun baannu ka helnay Midowga Yurub,” bay u sheegtay wariye ka socday International Business Times.
Hadalka wasiirka wuxuu ka caraysiiyay Andres Piebalgs oo ah u Qeybsanaha Horumarinta ee Midowga Yurub. Piebalgs wuxuu sheegay in geeddi-socodka siyaasadda Soomaaliya uusan ku imanin oo keliya karti siyaasadeed laakiin uu ku yimid maalgelin lagu sameeyay meelo kala duwan oo Soomaaliya taasina ay keentay in dadku taageeraan dowladda federaalka.
Bishii Sebtembar shir ku saabsan Soomaaliya oo uu Midowga Yurub soo abaabulay ayaa lagu qabtay Brussels. 2 biliyan oo Yuuro ayaa loo balanqaaday Soomaaliya.
Raxanreeb