Garoowe (RBC RADIO) Wasiirka Waxbarashada iyo Barbaarinta Dowlada Puntland Cabdi faarax Siciid Juxa oo shir Saxaafadeed qabtay wuxuu sheegay in Wasaaradiisu ay gawaari qalab wax barasho ah u dirtay Goboladii ay Duufaanadu ka dheceen iskuuladii ku yaalay goboladaasi oo kala ah Nugaal Bari iyo Karkaar, wuxuuta tilmaamay in kutalagal koodu uu yahay in Iskuulada ay roobabkaasi saameeyeen dib u kabasho ay sameeyaan qalabkaasna uu wax badan ka ka anfoco oo dhanka wax barashada ah.
Wasiirka wuxuu sheegay Qalabka Iskuuladan loo diray in ay mid yihiin Jeestooyinka wax lagu qoro Sabuurado buugaag iyo Agabyo kale wuxuuna Wasiirku tilmaamay In isku mar ay Nugaal Karkaar iyo Bari ay isla Maanta ka dhaqaa qeen Gawaaridii Qalabkaasi siday ayna gaari doonaan Goobihi loogu talagalay sida ugu dhaqsiyaha Badan.
Dadka Duufaanadu ay Asiibeen ayaa Xag Caafimaad Xag Wax barasho Hoy iyo Xag nololeedba u liita waxaana hada jira Cuduro ka dilaacay Xoolihii baqtiyay maadaama aan wali la gubin qaarkood, sidaa darteed ayeeyna dadkan wax badan ka anfaceysaa Agabkaasi ay Wasaaradu u dirtay waxaa kaloo jira Sahmin dhanka waxbarashada saameynteeda ah oo ay Wasaaradu ka wado goobahaasi kadibna Kaalmooyin kale la gaarsiin doono sida uu Wasiirku xusay.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.