Ma dhimane dhalmo ayaan ka qaaday!
Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com
Nofeembar 21 2013
Oday ma dhale ah ayuu ahaa. Waran bay kala daaleen, mayd ahaana waa uga tageen. Beri dambe ayay arkeen isagii oo soconaya!.
War hebel miyaanad berigii dhiman?. War ma dhimane dhalmo ayaanba ka qaaday oo malaha xidido awal i xirnaa ayaa warmihii ii fureen ayuu ugu jawaabay!.
Nin Sheekh ah oo gaaladu nafta u keentay ayaa Al-shabaab cay iyo hanjabaad isugu dareen, mareegohoodana waxay soo galiyeen sawiradiisa iyo wax ka sheegiisa!.
Mar aan sheekha is aragnay buu nooga sheekeeyey dhibta gaaladu ku haysey iyo sida caydii Al-shabaab faraj ugu noqotay oo wuxuu yiri: waxaan ku iri: nimanyohow idinkuna Shabaabnimo iyo Qaacidonimo ayaad ii haystaan, iyaguna inaan gaalo u shaqeeyo ayay igu caayayaan ee see idinka yeelnaa?.
Kolkaas ayuu nooga sheekeeyey qisada ninkaan mayd ahaanta looga tagey oo dhashii ugu furantay!. Wuxuu yiri Al-shabaab inay dhib ii geystaan bay doonayeen laakiin si aysan filayn bay ii anffeceen.sax
Waxaan is iri: markii uu xaqa ku adkaystay baa labadii balo is buriyeen oo Rabbi ka dhexsaaray ee ragow hanjabaad iyo cay yaan diinta looga tagin xataa hadday labada dhinac kaa wada weeraraan.
Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com