Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta mooshin ka keenay xukuumadda R/wasaare Saacid

$
0
0

saacid shiirdoonMuqdisho(RBC Radio) Wararka ka imaanaya xarunta Golaha shacabka ee  Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta Muushin ka dhan ah R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon (Saacid) loo gudbiyay gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya.

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay warbaahinta Raxanreeb ayaa tilmaamay in maanta mooshin ka dhan ah R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ay gudoonka Baarlamaanka u gudbiyeen Xildhibaanno gaaraya 165 Xildhibaan.

Mooshinka maanta laga keenay R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa ah mooshin kalsoonida lagala noqonayo xukuumadda uu hogaamiyo R/wasaare Saacid.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Mahad Cawad Cabdalle ayaa xusay in Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay mooshin ka keeneen xukuumadda uu hogaamiyo R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in mooshinka laga keenay R/wasaare Saacid uu yahay mid sharciga waafaqsan, wuxuuna tilmaamay in xeer hoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya uu dhigayo in 55 Xildhibaan ay ka keeni karaan xukuumadda Mooshin, balse wuxuu ka dhawaajiyay in Xildhibaanada maanta Mooshinka keenay ay tiradaas aad uga badan yihiin, sidaas darteed uu yahay mid sharciga waafaqsan.

Dhinaca kale wararka laga helayo xafiisyada gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa tilmaamay in caawa ay  shirar is daba joog ah ka yeelanayaan mooshinka maanta laga keenay xukuumadda R/wasaare Saacid, waxayna ka sii arinsanayaan ajandaha ugu horeeya ee looga doodi doono shirka Baarlamaanka ee maalinta sabtiga ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa waxaa u dhexeeya khilaaf saameeyey Hay’adaha dowladda, Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa laga sugayaa inay soo afmeeraan khilaafka ka dhextaagay madaxda dowladda Soomaaliya.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles