Kuwait(RBC Radio) Dowladda Jabuuti ayaa ka hadashay weerarkii shalay lagu qaaday saldhigga ciidamada Booliska ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si kulul u dhaleeceeyey weerarkii lagu gumaaday dadka badan oo ay ka mid ahaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Hiil walaal ee dalka Jabuuti.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in weerarkii shalay lagu qaaday magaalada Beledweyne uusan saamayn ku yeelan doonin ciidamada dalka Jubuuti ee ka howlgala magaalada Beledweyne, wuxuuna xusay inay kor usii qaadi doonaan ka qayb qaadashada nabad soo celinta dalka Soomaaliya si ummda Soomaaliyeed ay u gaaraan xasilooni iyo isku filnaasho buuxda.
Ismaaciil Cumar Geelle madaxweynaha Jabuuti ayaa tacsi u diray Eheladii ay dadku kaga geeryoodeen weerarkii shalay lagu qaaday gudaha saldhigga ciidamada Boolika wuxuuna Alle uga baryay dadka dhaawaca ah inuu si deg deg ah caafimaad u siiyo.
“waxaan aad uga xumahay shacabka iyo ciidamada ku geeryooday weerarkii fulaynimada ahaa ee shalay ururka ALshabaab ka gaysteen magaalada Beledweyne. waxaan tacsi u dirayaa Ehelada dadkii ku geeryooday weerarkaas”ayuu yiri madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Kuwait wuxuuna ka qaybgalayaa shir madaxeedka dalalka Afrika iyo Carabta ee ka socda dalka Kuwait ee looga hadlayo hormarinta arimaha dhaqaalaha,ganacsiga iyo dib u dhiska dalalka ka qaybgalaya shirkaas.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho