Muqdisho(RBC Radio) Maamulka degmada Hawl-wadaag ee gobolka Banaadir ayaa ka warbixiyey qarax ismiidaamin ah oo shalay galab dhicii ka dhacay gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha gudoomiyaha degmada Hawl-wadaag Max’ed Abukar Jacfar ayaa faah faahin ka bixiyey qaraxa ka dhacay suuqa weyn ee Bakaaraha wuxuuna sheegay in qaraxaas uu fuliyey nin dhalinyaro ah oo isku soo xiray walxaha qarxa.
Ninka is qarxiyey ayaa bartilmaameedsaday sida uu gudoomiyuhu xaqiijiyey saldhiga ciidamada nabad sugidu ay ku leeyihiin Suuqa Daawada ee Bakaaraha wuxuuna daboolka ka qaaday in xiliga qaraxu uu dhacayey uu goobta ku sugnaa sarkaal ka tirsan ciidamada nabad sugida oo uu sheegay in dhaawac fudud uu kasoo gaaray qaraxa lagu qaaday wuxuuna sidoo kale sheegay in dhaawacyo aan badneen ay soo gaareen dad rayid ah oo goobta ka agdhawaa
.Gudoomiye Max’ed Abuukar Jacfar ayaa sheegay in qaraxyada nuucan ahi aysan qalqal galineen nabadgalyada magaalada Muqdisho gaaar ahaan degmada H/wadaag wuxuuna dhaaca ka qaaday in alshabaab ay guuldareysteen isagoona tibaaxay in awoodu ay kaga hadhay isqarxin iyo dhibaatooyin kale oo ay shacabka u geystaan.
Jacfar ayaa sheegay in amniga degmada H/wadaag uu yahay mid aad loo adkeeyey isla markaane aysan ka jirin falal amni darro wuxuuna hoosta ka xariiqay iney sii xaqiijinayaan sugida amniga shacabka degmada Hawl-daag ee gobolka Banaadir.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho