Garoowe (RBC RADIO) Wakiilka QM u qaabilsan arimaha Soomaliya Mr Nicholas Key iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Garoowe soo gaaray waxaaana lagu soo dhaweeyey Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe, hada wuxuu xafiiskiisa Gaarka ah kula jiraa Madaxweynaha Puntland iyo Qaar ka mid ah golihiisa Wasiirada waxayna ku jiraan shir Albaada u laaban yihiin oo Saxaafada ay banana joog ka yihiin.
Mr Key ayaa sidaan horay u soo sheegnay qorshaha uu u yimid ay qayb ka tahay inuu wada xaajood ka galo Qilaafka soo kala dhex galay Puntland iyo Hay’adaha UNICEF iyo UNOCHA kaasi oo wali taagan xalna aan loo helin, Qilaafkana wuxuu ka dhashay sida ay wararku nagu soo gaarayaan in hay’adahaasi aysan kaalin ka cayaarin dhibaatooyinkii ka dhashay roobabkii ka da’ay Puntland iyo waxyaabo kale oo qarsoon Saxaafadana aysan wali ka warhelin.
Kulanka gaarka ah markuu soo idlaado kadib 2da Masuul sida lagu aqoon jiray waxay la hadli doonaan saxaafada iyagoo soo gudbin doona waxyaabihii ay ka wada hadleen iskuna afgarteen waxaadna kala socon doontaan Raxan-Reeb.Com.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.