Beledweyne(RBC Radio) Faah faahin dheeraad ah oo kasoo baxaysa ismiidaamintiii iyo weerarkii daba socday ee saakay barqadii ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ururka Alshabaab ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen ismiidaamintii iyo weerarkii ka dhacay saldhigga ciidamada Booliska ee degmada Beledweyne.
Afhayeenka dhanka howlgalada u qaabilsan Alshabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in saakay ay weerar ku qaadeen ciidamadoodu saldhigga ciidamada Booliska ee magaalada Beledweyne wuxuuna tilmaamay inay halkaas u dileen saraakiil iyo ciidamo ka kala tirsan dowladda Soomaaliya, Ethiopia iyo AMISOM.
Abuu Muscab ayaa tilmaamay in ujeedka weerarkoodu uu ahaa inay beegsadaan saraakiil ku sugnayd saldhigga ciidamada booliska wuxuuna xusay inay ku guulaysteen weerarkii ay halkaas ka fuliyeen,Abuu Muscab ayaa ka dhawaajiyay inay halkaas ku dileen 18 saraakiil iyo Askar isugu jira oo ka kala tirsanaa dowladaha Soomaaliya, Ethiopia iyo ciidamada Jabuuti.
Dhinaca kale wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in weerarkii saakay ay ku geeryoodeen ku dhowaad 20 ruux oo rayid ah, kuwaas oo sida la tilmaamay ku sugnaa saldhigga ciidamada Booliska ee degmada Beledweyne, waxayna wararku intaa ku darayaa in dadka geeryooday ay saldhigga u joogeen inay raashin u geeyaan dad uga xiran saldhigga iyo dad kale oo saldhigga agagaarkiisa joogay.
Dowladda Soomaaliya iyo saraakiisha ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Beledweyne ayaan wali ka hadlin weerar dadka badani ku geeryoodeen ee Alshabaab ay ka fuliyeen gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Isgaarsiitii magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa hawada laga saaray waxaana aad u kacsan jawiga magaaladaas, ciidamo aad u fara badan ayaa lagu soo daadiyay gudaha degmada Beledweyne si rasmi ah looma ogaankaro khasaaraha dhanta ah ee soo gaaray shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Beledweyne.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho