Garoowe( RBC RADIO) Wasiirka Amniga Puntland Mudane Khaliif Ciise Mudan oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe wuxuu sheegay in ay Qabteen rag uu ku tilmaamay in ay yihiin jaajuusiin doonayay in ay Gurtaan Khayraadka alle ku manaystay Puntland iyagoo qaab hay’adeed kusoo galay Puntland 20kii April ee Sanadkan Nimankaasi oo u kala dhashay Dalalka Uk iyo France.
“Ragan waa Jaajuusiin waxayna doonayeen in ay Macdanteena Gurtaan Qaab NGO ah ayeey Wadanka kusoo galeen waxaana la shaqeynayay Rag soomaali ah oo hawshan la fududeeyey hada waxay ku xiran yihiin dhamaantood Magaalada Garoowe, Nimankan ciidanku waxay qabteen 14ka bishan ilaa intaasna baaritaan ayaa ku socday hadana waan wadnaa Baaritaanka waxaan kaloo ogaanay in ay kusoo galeen Ciidan ayaan tababareynaa iyo wax la mid ah laakiin arintaasi waa lasoo ogaaday in ay borobogaando tahay,sidaana waxaa yiri Wasiirka Amniga Puntland.
Wasiirku wuxuu sheegay in ciidanka Sirdoonku ay mudo Dabajoogeen Ragan waxayna ogaadeen buu yiri in Dalka ay ka guranayeen Khayraadkiisa sida dhagxaanta, waxuu sheegay in ragan ay meel kasta faraha la galeen ayna yihiin koox si qaabdaran u shaqeysa kuna cadaatay in ay dano gaar ah iyo jaajuusnimo u joogeen Puntland mana uusan sheegin in Maxkamad lasoo saari doono wuxuuna hadalka kusoo gaabiyay in wali baaritaanku ku socdo.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.