Garoowe (RBC RADIO) Madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan Faroole iyo Gudoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Puntnad C/rashiid Maxamed Xirsi oo ay Wehliyaan Saraakiil kale waxay Booqdeen Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada garoowe oo looga Cabsi qabay in Roobabku ay wax gaarsiiyeen Waxaana Madaxweynaha oo Halkaasi Saxaafada kula hadlay uu sheegay in Xiliga ugu dhaw ay filayaan in Diyaarado wada Dawooyin ay kasoo dagaan garoonka Diyaaradaha ee Garoowe kaasi oo ka imaanaya Dalalka Itobiya iyo Jabuuti.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Dalalkaasi laga dhawrayo Dawooyin ay kusoo daabuleen Diyaarado deg degna lagu soo gaarsiin doono dadka dhibateysan ee mucaawinadan u baahan, madaxweyne Faroole wuxuu kaloo ka hadlay wado Macmal ah oo loo samaynayo Gawaarida isaga kala gooshta Gaalkacyo Garoowe ilaa Boosaaso kadib markii buundadi isku xiraysay Goboladaasi ay Go’day wuxuuna u mahadcelshay Gawaarida sida lacag la’aanta ah ugu shaqaynaya goobta ee ciidana soo guraya.
In ka badan 60 Gawaarida loo yaqaan Iskarogaha ayaa iskaa wax u qabso ugu shaqaynaya meeshii ay Buundadu ka go’day ee aga gaarka sunijiif waxayna Garwaaridan oo ay wehliyaan Cagaf cagaf ay ciida kasoo gurayaan meel fog waxaana qorshuhu yahay inta Laamiga dib looga dhisayo in la sameeyo wado kumeel gaar ah oo laga sameeyo halka ay biyuhu ka kala go’een.
Sidoo kale Madaxweyne Faroole oo Booqday goobaha ay hawluhu ka socdaan ee aaga Buundadii Go’day wuxuu sheegay in Dadka la gaarsiiyay Mucaawino aan ku filnayan walina Magaalooyinka Puntland laga wado gurmad ayna markale ku celinayaan Beesha Calamka in ay ka qayb qaataan Gurmad u Fidinta dadkii dhibaatadu kasoo gaartay Duufaanadii ka dhacay Deegaanada Puntland qaarkood.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.