Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Taliyaha Ciidanka Badda Puntland Cabdirisaaq Diiriye Faarax: Doonyo Sharci-darro ah Ayaa Soo Galay Badda Puntland!!

$
0
0

 

Taliyaha Ciidamada Booliska Badda Puntland Cabdirisaaq Diiriye Faarax

Taliyaha Ciidamada Booliska Badda Puntland Cabdirisaaq Diiriye Faarax

Boosaaso[RBC Radio] Ciidanka Badda Puntland ee PMPF oo bilihii ugu danbeeyey hawgalo iyo arrimo cuno qeybin ah ka wadey deegaano ka tirsan Puntland ayaa ka warbixiyey dhameystirka arrimahaas.

Taliyaha Ciidamada Booliska Badda Puntland Cabdirisaaq Diiriye Faarax oo Saxaafadda faahfaahin ka siiyey ayaa sheegay in Ciidamadda Baddu ay maalmihii ugu danbeeyey ku hawlanaayeen qeybinta Raashin mucaawino ah.

Taliyaha Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in Raashinka mucaawinada ay ugu deeqday Puntland dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta.

Wuxuun sheegay in dadka ka faa’ideystay Raashinka Mucaawinada ah ay yihiin dad tabar yar,kuwa dhimar la’ iyo kuwa naafo ah.

…””Ciidanku maalmahan,wuxuu ku howlanaa qeybinta raashin dowladda Imaaraatku ay ku deeqday oo loogu talagalay dadka tabarta yar,dadka dhimirka la’,dadka naafada ah,dadka Indhoolaha ah iyo dadka Waalan intaba…””ayuu yiri.

Admiral Cabdirisaaq Diiriye Faarax ayaa sheegay in Raashinka Mucaawinada ah ay ka qeybiyeen deegaanada Gaalkacyo,Garoowe,Qardho iyo Boosaaso.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in qorshaha ay ugu jirto in hawlaha dhanka Samafalka ay sii laba jibaari doonaan isla markaana ay gaarsiin doonaan deegaanada kale ee aan fursada helin.

…”” Gaalkacyo,Garoowe,Qardho,Boosaaso intaasba waa laga qeybiyey Insha allaahu waxan rajeyneynaa in intaas aan kasii badin doono oo Walaalaha dhiban,wixii la tari karo gaarsiino sida ugu dhakhsaha badan….””ayuu yiri.

Taliyaha Ciidamada Booliska Badda Puntland Cabdirisaaq Diiriye Faarax  ayaa xusay in dadka oo dhan aan Raashin lawada gaarsiin Karin loona baahanyahay in qof kasta oo Soomaali ah ay waajib ku tahay in dadka dhibaateysan wax u qabto.

…””Waxaana filayaa inaaney dadku wada gaari Karin waxyaabaha yaryarka ah ee Sadaqaadka ah,nimcada Ilaahaybaa ku kala badan dhulalka qaarkood barna hela barna waaya…””ayuu yiri Taliye Cabdirisaaq.

Dhanka kale Taliyaha Ciidamada Booliska Badda Puntland Cabdirisaaq Diiriye Faarax ayaa sheegay in Ciidanka Badda Puntland ay hawlgalo Isugu jira Indha indheyn Xaalada deegaanka iyo la dagaalanka Burcadbadeeda ay ka sameeyeen Xaafuun, Baargaal,Caluula, Bareeda,Murcanyo,Xaabo,Ceelgaal.

Hawlgaladaas ayuu sheegay in badankiisa ay ku guuleysteen isla markaana dadkii ku dhaqnaa deegaanada ay aad usoo dhaweeyeen Ciidanka Badda Puntland.

Doonyo sharci darro ah.

Taliyaha Ciidamada Booliska Badda Puntland Cabdirisaaq Diiriye Faarax ayaa gabagabadii sheegay in maqleen in biyaha Puntland ay soo galeen doonyo sharci-darro ah oo kuwa Iraaniyiintu leeyihiin ah.

Digniin.

Taliyaha Ciidanka Badda Dowladda Puntland ayaa digniin u diray Wakiilada Soomaalida ah ee la shaqeeya doonyaha Iraaniyiinta ee sida sharci-darada uga kalluumeysanaya Xeebaha Puntland,wuxuuna sheegay in tallaabo ay ka qaadi doonaan.

 

___________________

Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso
turrabi30@gmail.com

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles