Washitoon[RBC Radio]Xukuumada uu hoggaamiyo madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa lugula taliyey inay xoogga sarto dib-u-heshiisiinta,soona afmerto khilaafka siyaasaded ee dhinacyada Soomaalida xiligan ka dhextaagan,waxana la sheegay in arrinta kaliya ee xiligaan Soomaalida lugu xalin karo dhibaatoyinka siyaasaded ee dhex yaala inay tahay dib-u-heshiisiinta iyo wada-hadall.
Xog-hayaha arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka John Kerry oo dhawan ay kulan ballaaran wada qaaten madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa si cadd waxaa uu ugu sheegay in muhiim tahay in la soo gaba gabeeyo khilaafka dhexyaala dhinacyada Soomaalida waxana uu inta ku daray in taasi loo bahan yahay inay ku dadaasho dowladda faderaalka ee uu madaxweyne xassan hoggaamiyo,maadama xalka lugu gaari karo wada-shaqeyn dhex marta Soomaalida ay tahay dib-u-heshiisiinta iyo is-afgarad ka dhex dhasha.
Sidoo kale waxaa uu soo hadal qaday John Kerry in looga fadhiyo dowladda faderaalka Soomaaliya inay sida ugu dhaqsiyaha badan wada xaajod la furto maamullada Puntland iyo Somaliland oo xiligaan ka soo horjeeda siyaasada madaxweyne Xassan iyo xukuumadiisa.
….”"”"Arrinta kaliya ee lugu gaari karo xal ay Soomaalida isku racdo waxay ku iman karta in marka hora wada heshiiyan ayna wada noqdan dad isku hadaf iyo isku jid uwada socda,ma haboona in xiligan khilaf siyaasaded uu ka dhex jira Soomaalida dhex deeda maadama uu dalka kujiro bur bur tan iyo muddo ku siman 22-sanno,xiligan waa in laga shaqeeya si wada jir ah horumarka dalka…”"”ayuu yiri John Kerry .
Madaxweynaa Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa isna dhiniciisa sheegay in dowladdiisa ay wada-hadal la gashay dhiancyada kala duwan ee Soomaalida,waxan uu madaxweynuhu soo hadal qaday in qeybo ka mid ah xukuumadisa oo ay ka mid yihiin R/wasaaraha wasiiro iyo xildhibaano inay safar ku tageen qeybo ka mid ah gobollada dalka iyagoo raadinaya dib-u-heshiisiinta,waxana uu carabaabay dhulka ay tagen inay ka mid yihiin Puntland, Jubbaland iyo Ahlu Sunna oo ay qeybo ka mid ah heshiisyo la galen sida maamulka Jubba.
…”"”"Waanu ognahay muhiim inay tahay dib-u-heshiisiinta anago arrinta la socana waxan tagney qeybo ka mid ah gobollada dalka,waxaa jirta heshiisyo anu la galney qeybo ka mid ah dhinacyo siyaasadena diidana waxaa ka mid ah maamulka Jubba oo anu hada wada shaqeyno,waxan isku dayeena kuwa kalana inan wada-hadall la furno…”"”ayuu yiri madaxweyne Xassan.
Sidoo kale madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud waxaa uu si cadd u tilmaamay inuu jiro is maran waa,balse wuxuu hoosta ka xarriiqay in nidaamka federaalka uu shaqeynayo, dalkuna uu ku sugan yahay marxalad wanaagsan.
Madaxweynaha Puntland ayaa isna sheegay inuu soo dhawenayo hadal ka soo yeeray xog-hayaha arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka John Kerry kaaso ku aadana in dowladda faderaalku ay wada-hadall la furto Puntland,waxana madaxweyne Faroole uu sheegay inuu hadalka soo dhaweenayo.
__________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio