Washington(RBC Radio) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan SH Maxamuud oo ku sugan dalka Maraykanka ayaa kulan halkaa kula qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Washington ee caasimadda dalkaas iyo kuwo ka kala yimi gobolada kale ee Maraykanka.
Madaxweyne Xasan SH Maxamuud ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee uu la kulmay waxa uu sharaxaad ka siiyey xaaladaha ugu danbeeyey ee dalka iyo guulaha ay ku tallaabsatay dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hogaaminayo,wuxuuna tilmaamay iney jiraan waxyaabo badan oo u qabsoomay dowladda mudadii koobneed ee ay jirtay.
Xasan SH Maxamuud madaxweynaha dalka ayaa ka dalbaday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Maraykanka iney dowladda maskax,muruq iyo maal intaba ku taageeraan si Soomaaliya looga saaro marxaladda adag ee ay ku jirto,wuxuuna sidoo kale tilmaamay in dowladda ay ka go’an tahay iney dalka ka hirgaliso doorashooyin xor ah sanadka 2016ka oo uu ku eg yahay xiliga dowladda hadda jirta.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan SH Maxamuud oo muddo 3 maalmood ah ku sugan dalka Maraykanka ayaa ka hor inta uusan magaalada New York uga qaybgalin shirka Qaramada Midoobay ee halkaa ka furmaya waxa uu kulamo la qaatay madax sare oo ka tirsan maamulka madaxweyne Obama.
Madaxweynaha ayaa intii uu hadalka u jeedinayey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Maraykanka wuxuu soo hadal qaaday weerarka ka socda Westgate Nairobi oo geystay dhimasho iyo dhaawac badan,Madaxweynaha ayaa falkaas uga tacsiyeeyey shacabka iyo dowladda dalkaas wuxuuna muujiyey sida uu uga xun yahay.
RBC Radio