Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20143

Ciidanka Taraafikada oo soo Saaray Sharci lagu Xakameynayo Dhibaatada ka Dhalata Gaadiidka lasoo Saaro Xamuulka Tankooda kabdan

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio) Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay iney shuruuc cusub u dejisay gaadiidka xamuulka kasoo qaada Dekeda weyn ee magaalada Muqdisho kulan ballaaran oo ay ka qeyb galeen wasiirka warfaafinta,isgaarsiinta,gaadiidka cirka iyo dhulka,taliyaha ciidamada ilaalada wadooyinka,maareeyaha dekeda Muqdisho iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowlada Soomaaliya ayaa looga dhawaaqay in dowladu ay dhaqan galisay sharci loogu tala galay in gaadiidka xamuulka ah.

Taliyaha ciidamada ilaalada wadooyinka Soomaaliyeed Jen.Cali Xirsi Barre “Cali-gaab” ayaa shaaca ka qaaday in kadib markii ay ciidamada ilaalada wadooyinka ay arkeen dhibaatooyinka soo laalaabta ee ka dhashay gaadiidka xamuulka ah ee badeecada  ka soo qaaday gudaha dekeda Muqdisho ay soo kordheen in saraakiisha ciidamada ilaalada wadooyinka iyo maareeyaha dekedda Muqdisho ay soo diyaariyeen heshiis lagu xakameynayo waxyeelada ay geystaan gaadiidkaasi.

Cali-gaab ayaa tilmaamay in gaadiidka xamuulka kasoo qaada Dekedda oo lasoo saaro culeys ka badan tankii loogu tala galay ay ka dhalato dhibaato ay u geystaan shacabka Soomaaliyeed kuwaas oo ku rogmaday inta badan wadooyinka caasimada iyadoo ay ka dhashaan qasaare naf iyo maalba leh.

Taliyaha ayaa sheegay in heshiiska la soo saaray 27 bishoo hore isla markaane la dhaqan galiyey 1-dii bishan March,wuxuuna sheegay in heshiiskaas uu qodobka ugu weyn yahay inuusan dekeda kasoo bixin gaari si xad dhaaf ah u raran isagoona tilmaamay in maareeyaha dekeddu uu ballan qaaday arinkaas taasoo meesha ka saari doonto sida uu sheegay qasaarihii ay geysan jireen gaadiidka lagu soo raro shixnadaha tankooda ka badan.

Wasiirka wasaarada Warfaafinta,Isgaarsiinta,gaadiidka cirka iyo dhulka C/laahi Ciilmooge Xirsi oo isne munaasabada hadal ka jeediyey ayaa ku amaanay ciidamada ilaalada wadooyinka hawsha adag ee ay bulshada u hayaan inagoona qiray in ciidamada Taraafikada ay haystaan dhibaatooyin aan indhaha laga qarsan karin.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20143

Trending Articles