Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Axmed Cali Salaad”Dowladda faderaalka iyo maamulka Galmudug iyaga ku lug leh dagaalada ku soo noqnoqonaya deeganada miyiga ah ee gobolka Mudug”

$
0
0
Duqa Gaalkacyo Axmed Cali Salaad

Duqa Gaalkacyo Axmed Cali Salaad

Gaalkacyo[RBC Radio]Duqa degmada Gaalkacyo Axmed Cali Salaad ayaa markii u horeysey dhaliil dusha u saaray dowladda faderaalka Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ee ka arimiya koonfurta Gaalkacyo,waxana uu ku eedayey inay abaabulkeeda leeyihiin dagaalada ku soo noqnoqonaya deeganada miyiga ah ee gobolka Mudug.

Inata badan waxaa dilal kala gadisan ay ka dhacaan miyiga gobolka Mudug iyadoo ay isku eedayen dilalkaasi Puntland iyo Galmudug,waxana mudooyinkii ugu denbeeyey ku geeryoodey miyiga gobolka Mudug tobaneeyo ruux oo siyaabo kala gadisan halkaasi ugu dhintayey weeraro ay soo qaaden maleeshiyad hubaysan.

Axmed Cali Salaad oo warbaahinta guddaha la hadlay ayaa waxaa uu soo hadal qaaday dagaalada ku soo noqnoqonaya deeganada miyiga ah ee gobolka Mudug,waxana uu sheegay in arrintaasi ay tahay mid ay wax ka ogyihiin maamulka Galmudug,waxana sidoo kale uu soo hadal qaaday duqu in maamulka Galmudug uu had iyo jeer ku soo xad-gudbo deeganada Puntland.

Duqu waxuu tilmaamay in jiraan in ay ka soo talaabaan dadka Galmudug xuduud beenaadyo horey guumaysuhu u dhex-dhigay beelaha gobolka,taaso uu ku sheegay inay tahay xad gudub muuqda.

Miyiga gobolka Mudug oo ay dililalku kusoo lab labtaan

Miyiga gobolka Mudug oo ay dililalku kusoo lab labtaan

…”"”‘Waad la socotaan inay soo noq noqdan dhibaatadda iyo dagaalada ku soo noqnoqonaya deeganada miyiga ah ee gobolka Mudug,waxan taas ka leeyahay waa mid ay abaabulkeedu leeyihiin Galmudug,waxana jirta in ay ka soo talaabaan dadka Galmudug xuduud beenaadyo horey guumaysuhu u dhex-dhigay beelaha gobolka,waana xad gudub ay sameenayaan Galmudug…”"”ayuu yiri Axmed Cali Salaad duqa degmada Gaalkacyo.

Sidoo kale Axmed Cali Salaad waxuu dhaliil usoo jeediyey dowladda faderaalka Soomalaiya oo uu sheegay in qaar ka mid ah madaxda sare ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay maamulka Galmudug ku taageeraan dal-durugsi, taas oo markasta sahasha in dagaal beeleedyo iyo dilal ay ka dhacaan miyiga Mudug.

…”"”‘Siyaasad guracan oo lugu caburinayo jiritaanka Puntland ayaa ka socota Muqdisho,waxana jirta in madaxda sare ee dowladda qar ka mid ah inay maamulka Galmudug ku taageeraan dal-durugsi, taas oo markasta sahasha in dagaal beeleedyo iyo dilal ay ka dhacaan miyiga Mudug…”"‘ayuu yiri Axmed Cali Salaad.

Dhinaca kale maamulka Galmudug ayaa jawaab markiiba ka bixiyey hadalka ka soo baxay Axmed Cali Salaad ee uu ku dhaliiley maamulkooda,duqa Galkacayo ee dhinaca Galmudug Bile Bashiir oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in eedeynta uu usoo jeediyey maamulkooda Axmed Cali Salaad aysan waxba ka jirin,waxana sidoo kale uu beeniyay inay jirto isgarabsi ka dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Galmudug, kaas oo laga leeyahay dano dal-durugsi, taas bedelkeeda wuxuu ku baaqay amni iyo wada noolaansho.

Galmudug

Galmudug

…”"”‘Ma wanagsana in la is dhaliilo balse waxan oranaya wax lug ah iyo waxan ka ogahay ma jirto hadalka kasoo yeerad Axmed Cali Salaad,waxan beeninaya inay jirto isgarabsi naga dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Galmudug, kaas oo laga leeyahay dano dal-durugsi,balse waxan ku baaqaya in laga wada shaqeeyo sidii amni buuxo iyo wadashaqeyn ay u imaan lahyd…”"‘ayuu yiri Bile Bashiir.

Sidoo kale Bile Bashiir wuxuu sheegay inay jiraan qorshayaal ay wadaan maamulkooda kuwaaso ku aadan in nabad lagu raadiyo si aysan mar dambe u dhicin dilal iyo dagaalo dhex-mara reer guuraaga gobolka Mudug, isagoo hadalka duqa Galkacayo ku tilmaamay mid aan laga fiirsan oo xaalad kale abuuri kara.

Si kastaba hadalka labada dhinac ayaa ku soo aadaya iyadoo mudadii danbe ay soo badanayeen dilalka intabadan ay geestan kooxaha hubaysan ee ka dhaca miyiga Gaalkacyo oo ay ku nool yihiin Geeley.

____________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles