Brussels[RBC Radio]Madaxweynaha dowladda Puntland ee Soomaaliyed Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa maalintii shalay khudbad uu dhinacyo badan ku tabtay ka jeediyey shirkii arrimaha Soomaalida ee ka furmay Brussels.
Dr.Faroole ayaa soo hadal qaaday in uu la shaqeyn doono dowladda faderaalka Soomaaliya,islamarkana xiligaan loo bahan yahay wada shaqeeyn dhex marta labada dhinac,taaso uu ku tilmaamay inay horseedi doono horumar laga gaaro khilaafadka dhexyaala Soomaalida.
Sidoo kale madaxweyne Faroole waxaa khudbadiisa kusoo qaday xayiraadda ay reer galbeedku kusoo rogayaan xawilaaddaha Soomaalida,waxana uu sheegay in fursadiisa khudbad uu uga faa’idaysanayo inuu beesha caalamka ka dalbanayo in an la xirin xawilaaddaha u adeegi jiray dadka Soomaaliyed.
Hoos ka Daawo Muqaalka khudbada madaxweyne Faroole
_________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio