Muqdisho(RBC Radio) Mid ka mid ah odayaashii SH Xasan Daahir Aweys u gacan galiyey dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu toogtay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya sida uu inoo xaqiijiyey Suldaan Mahdi oo ay qaraabo dhow yihiin Marxuumka la dilay.
Nabadoon faarax Shidane oo ku magac dheeraa Faarax Yare kana mid ahaa ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta barqadii xaafadda Taleex ee degmada Hodan ku toogtay ruux la sheegay inuu ku hubaysnaa Bistoolad,nabadoonka ayaa isla goobta ku geeriyooday.
Suldaan Mahdi ayaa sheegay in Marxuum Faarax Shidane lagu dilay agagaarka Hoyga uu ka dagan yahay xaafadda Taleex ee magaalada Muqdisho,wuxuuna tilmaamay iney xiligan ku mashquulsan yihiin aaska Marxuum Nabadoon Faarax Shidane.
Suldaan Mahdi ayaa tibaaxay in nabadoonka ay dishay gacan ka xaq daran wuxuuna Alle uga baryey inuu naxariistiisa siiyo qabrigiisane u waasiciyo, Ehelada,Qaraabada iyo asxaabitii uu ka baxayne uu Samir iyo Iimaan ka siiyo,Nabadoon Faarax Shidane ayaa ka mid ahaa odayaashii SH Xasan Daahir Aweys ka keenay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud dowladane u gacan galiyey.
Ruuxii dilka geystay ayaa la tilmaamay inuu goobta ka baxsaday,ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa booliska ayaa soo gaaray goobta uu dilku ka dhacay oo ay xiligan ka wadaan baaritaano la xiriira sidii uu dilku u dhacay iyo ciddii ka danbeysay.
Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaar ka dhacay dilal qorsheysan oo lala beegsado qaybaha kala duwan bulshada haba ugu badnaadeen shaqaalaha dowladda iyo dadka lala xiriirinayo iney cilaaqaadka la leeyihiin dowladda Soomaaliya.
RBC Radio