Brussels[RBC Radio]Waxaa saacado ka hor ka furmay magaalada Brussels ee caasimadda dalka Belgium shirka Hiigsiga Cusub ‘New Deal for Somalia’.
Shirkaan furmay waxaa si wada-jir ah u marti-galinaya dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub waxana diiradda lagu saarayaa horumarinta amniga, dhaqaalaha iyo dib-u-dhiska dalka Soomaaliya.
Waxaana ka qeyb galaya In ka badan 200 oo wafdi oo dalal, ururro, hay’addo horumarineed iyo deeq-bixiyeyaal isugu jira.
Waxaa dah furay shirkan Mr Hermen Van Rompuy oo ah madaxweynaha Midowga Yurub,waxana uu hadal kiisa si qoto dheer uu uga warbixiyey arrimaha xoogga la saarayo shirka inta uu socdo,isagoona sheegay in looga hadli doono sidii gacan loo sin laha Soomaaliya oo xiligan sida uu tilmaamay qorshuhu yahay in laga qaado halka ay xiligaan taalo luguna jeediyo jidkii horumarka dalka Soomaaliya lugu gaarilaha.
Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa kusoo qaday Mr Hermen Van Rompuy in dowladda Soomaalida laga taageeri doono sidii mustaqbal ifayo oo ka wanaagsan kan ay hadda taagan tahay.
Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa isna khudbad dhinacyo kala gadisan kaga hadlay ka soo jeediyey shirka waxana uu ugu horen ku hormarey marxaladihii dalka uu soo maray oo ay dowladdiisu xiligaan doonayo inay dadka iyo dalkaba la ilowsiiyo islamarkana loo horkici laha horumar uu xiligaan dalku ku talabsado.
Madaxweynaha Soomaaliya sidoo kale waxaa uu khudbadiisa kusoo qaday xayiraada ay ku soo rogeen xawiladdaha adega lacageed u fududeen jiray Soomaalida kuu dhaqan dalalka Yurub,waxana uu tilmaamey in baahiyo badan oo dalka ka jiriy in Soomaalida ku dhaqan dalalka Yurub ay inbadan ka caawin jiren dadka Soomaaliyed balse waxaa uu si cadd u sheegey in ay ka xun yihiin in xiligaan xayirad lugu soo rogo adegyadii xawilaadaha ee Soomaalida ee ka shaqeyn jiray dalalka Yurub .
…”"‘Waxaan ka xunahay xiritaanka xawilaaddaha Soomaalida ee ka shaqeyn jiray dalalka Yurub,waxaa jirta in baahi badan ay kaabi jiren dhaqaalaha dadka Soomaaliyed ay ka helaan qarabadooda ku nolal dalalka Yurub ee adega xawilaaddaha usoo marin jirney,waxan cos danayna in dib loo furo shaqooyinkii ay qaban jireen xawilaaddahaasi…”"”ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh.
Sidoo kale madaxweynuhu waxaa uu khudbadiisa kusoo qaaday in dowladdiisa ay u baahan tahay in laga caawiyo dhismaha ciidamada, taasoo uu xusay in haddii ciidanka la dhiso la heli doono amni buuxa oo waddanka xasiliyo.
Waxaa la filaya in dalalka Midowga Yurub dhaqaale lagu horumariyo ciidamada Soomaaliya, dib-u-dhiska hay’adaha dowliga ah iyo horumarinta bulshada ay ku taageeraan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Si kastaba shirkaan ayaa waxaa lugu wada in la soo gaba gabeeyo galinka danbe ee maantay waxana markii oo gaba bagoobo si-wada jir ah shir jaraa’id u wada qaban doona madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Catherine Ashton oo ah wakiilka Midowga Yurub ee arrimaha dibadda iyo siyaasadda amniga.
___________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio