Kismaayo[RBC Radio]Generaal C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ah hoggaamiye ku-xigeenka maamulka KMG-ah ee Jubba ayaa waxaa uu markii ugu horeysey kawrbixiyey qorshayaasha maamulka mudadda labada sanno ah ee uu KMG-yahay,waxana uu si cadd u sheegey in qorshahoodda koobad uu yahay sidii la isugu soo dhaween laha dadka ku abtirsada maamulka Jubba.
Fartaag waxaa uu soo hadal qaadey inaysan ka hari doonin cidii ka caroota hananka uu maamulkooda u shaqeeyo waxana uu tilmaamey inay qofwalba ku qancin doonan sidii si wada jir ah looga shaqeynlaha horumarka dadkooda iyo deegaankooda.
Waxaa uu sidoo kale soo hadal qadey in magaaladda Kismaayo loo soo wareejiyey googashi dibu heshiisinta ee dadka Jubbooyinka,ayna dhigeen magaaladda Kismaayo cid kastana ka soo qayb galkeeda ay ku soo dhaweenayan.
Sidoo kale waxaa uu soo hadal qaadey Ger.Fartaag inay baaq ugu dirayaan cidkasta oo jecel horumarka iyo nabadda dadka reer Jubba.
Hoos ka Daawo Muqaal ay Raxanreeb.com idin kaga soo diyaarisey shir jaraa’id oo uu Fartaag arrimaha kaga hadlayo.
_____________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio