Muqdisho{RBC Radio} Kooxo hubaysan ayaa maanta duhurkii magaalada Muqdisho ku dilay mid ka mid ah odayaashii Soo xulay mudanayaasha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, dilka oo ka dhacay Xaafadda Soos ee degmada Hiliwaa ayaa waxaa fuliyey rag Bistoolado ku hubaysan.
Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Alla ha u naxariistee Cumar Cabdi Shiikhow ayaa ka mid ahaa odayaashii dhaqanka Soomaaliyeed ee soo xulay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya,Eheladiisa ayaa inoo sheegay iney da’diisu ahayd 55 sano jir.
Kooxihii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday kadib markii ay nabadoonka toogteen,waxaana goobta uu dilki ka dhacay gaaray ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo nawaaxiga goobta ka sameeyey baaritaano ay ku doonayaan iney kusoo qabtaan raggii ka danbeeyey dilka nabadoon Cumar Cabdi.
Majirto cid sheegatay dilka marxuun Cumar Cabdi Shiikhow, iyadoo aysan wali ka hadlin maamulka degmada Hilwaa oo ka qayb ah 17k degmo ee gobolka Banaadir.
Mudooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ku soo badanayay dilalka qorshaysan ee loo gaysanayo indheer garadka Soomaaliyeed.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho