Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Wafti ka socda maamulka KMG-ah ee Jubba oo ka qeyb galay shirka looga hadlayo arrimaha burcad badeeddka ee maantey ka furmay Dubai

$
0
0
Cumar Cabdirashiid oo maamulka Jubba uga qeyb galay shirka Dubai

Cumar Cabdirashiid oo maamulka Jubba uga qeyb galay shirka Dubai

Dubai[RBC Radio]Waxaa markii ugu horeysey shir caalami ah ka qeyb galaya maamulka Jubba ee uu madaxweynaha ka yahay Sheekh Axmed Madoobe,waxana shir maantey ka furmey Dubai oo looga hadlayo arrimaha burcad badeedda ka qeyb galey wafti kasocda maamulka Jubba.

Waxaa maantey gaaray magaaladda Dubai ee dalka Imaaraatka carabta wafti kasocda maamulka Jubba oo lugu casumay inay ka qeyb galaan shirkaan looga hadlayo arrimaha burcad badeeda Soomaalida.

Waxaa hoggaaminaya waftiga ka socda maamulka Jubba ee ka qeyb galay shirka maantey furmay Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid,waxana Cumar Cabdirashiid uu wakiil ka yahay madaxweynaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Madoobe oo xiligaan kusugan magaaladda Muqdisho.

Waxana ka qeyb galkaan shirkaan ee waftiga ka socda maamulka Jubba uu yimid kadib markii dhawaan magaaladda Addis Ababa ay heshiis ku gaaren dowladda faderaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubba.

Dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa iyaduu maamul u aqoon satey maamulka KMG-ah ee Jubba ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Waxana aqoonsiga maamulka uu ka dhigaya inay ka qeyb gali doonan dhamanba shirarka looga hadlayo arrimaha Soomaalida,oo ay ka ciyaari doonan doorka ay ku leeyihiin.

Sidoo kale waxaa lugu wadda in maamulka Jubba uu ka qeyb galo shir ka furmaya dalka Beljamka kaaso looga hadlayo arrimaha la xiriira horumarinta Soomaaliya.

Shirka ka furmaya dalka Beljam waxaa lugu wadda in uu hoggaamiyo xubnaha maamulka Jubba uga qeyb galaya Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo ka mid ah siyaasinta udub dhexaadka uu ah dhismaha maamulka.

Si kastaba arrintaan ayaa ka dhigaysa in uu isu soo dhawansho dhex yaalo dowladda faderaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubba.

___________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles