Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Sanad ka dib, Doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya Maxa Qabsoomay?. W/Q Cabdiqani Cabdullaahi Cabdi

$
0
0

Falanqayn: Sanad ka dib, Doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya Maxa Qabsoomay?
Cabdiqani Cabdullaahi Cabdi.
qalabadyare@gmail.com
Sabteembar 11 2013

Horu-dhac.

maqaalMaanta oo kale sanad ka hor ayay ahayd markii Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud loo doortay hogaanka dalka,ka dib markii codad aqlabiyad leh uu kaga guulaystay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu hogaanka u qabtay dowlad aan KMG ahayn,nasiibna u yeelatay in dalka gudihiisa lagu doorto muddo dhowr iyo afartan sano ah ka dib.

Hadaba Madaxweynaha Soomaaliya,maxaa u qabsoomay sanadkii tagay,maxay ka gaabisay dowladu inay qabato mudada sanadka ah ee ay shaqaynaysay?.

Ka hor intaanan falanqayn Waxqabadka iyo guuldarada Dowlada Soomaaliya ee sanadkii tagay,aan dib u milicsano balanqaadkii Madaxweynaha Soomaaliya sanad ka hor.

8.9.2012 Madaxweynaha Soomaliya Xassan Sheekh khudbadii uu ka horjeediyay Baarlamaanka Soomaaliya waxay gaaraysay 18-daqiiqo.

Wuxuu Madaxweynuhu khudbadiisa ku sawiray dhibaatada amaan daro ee ka jirta dalka,taasi oo sababtay Caafimaad daro,Waxbaarsho la’aan,qulqulka Tahriibta,oo uu sheegay in ay horseed u ahayd kala aamin baxa dadweynaha Soomaaliyeed mudadii lagu jiray Dowlad waaga umaad Soomaaliyeed ku habsaday.

Xassan Sheekh wuxuu Waxqabadka dowladiisa sal uga dhigay haddii uu noqdo  hogaanka dalka, lix-tiir oo ugu magac daray tiirarka waawayn ee dib usoo noolaanshaha Soomaaliya.

Lixda tiir ee uu balanqaaday Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kala ahaa;-

1.Xasilinta dalka,saraysiinta Sharciga iyo dowlad wannaaga.

2. Soo noolaynta adeegyada Bulshada.

3.Nabadaynta iyo Dib u Heshiisiinta.

4.Soo noolaynta dhaqaalaha dalka.

5.Midnimada iyo Wada jirka umada.

6. iyo Abuurida Xiriir Caalami ah.

Aan u daadago dulucda falanqayntan oo aan ku eegi doono guulaha iyo guuldarada sanadkii tagay ee dowlada Soomaaliya anniga oo ka duulaya balanqaadka Madaxweynaha sanad ka hor,waxaana akhristayaasha aan uga tagi doonaa su’aalo qoramada dhexdeeda si ay iila wadaagan Falanqaynta.

Amaanka iyo Garsoorka.

Marka aynu fiirino Waxqabadka amaan ee dowlada uu hogaanka u hayo Xassan Sheekh Maxamuud hormar aan balaarnayn ayaa laga gaaray,amaanka qaar ka mid ah degmooyinka hoostaga gobolada Shabeelada hoose,Shabeelada Dhexe,Gedo iyo Hiiraan ee ay gacanta ku hayso dowlada Soomaaliya ayaa ah mid soo hagaagayay muddooyinkii ugu dambeeyay,waana talaabo muhiim u ah amaanka dalka.

Waxa jira degmooyin hoosta Gobolada Bay iyo Bakool oo amaankooda ay lumisay dowlada Soomaaliya,ka dib markii dowlada Ehiopia oo gacanta ku haysay degmooyinkaasi aysan Madaxa la ruxin geedi socodka Siyaasadeed ee dowlada Soomaaliya ay isaga baxeen.

Markaynu qiimayno amaanka magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya,dhacdooyinka amaanka lidka ku ah ee ka dhacay ayaa ahaa kuwo aan u hiilinayn Qaranimada umada Soomaaliyeed.

September 20, 2012 qarax Ismiidaamin ah oo lala beegsaday Maqaayada Village  ayaa waxa ku dhintay ku 17 ruux,halka 30  ruux in ka badana ay ku dhawacmeen,waxaana dadka ku dhintay qaraxa ka mid ahaa EEBE ha u naxariistee Wariye Liibaan Cali Nuur iyo Cabdisataar Daahir Sabriye oo u shaqeynayay TV-ga Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV iyo C/raxmaan Yaasiin Cali oo Agaasime Idaacadda VOD ee magaalada Muqdisho.

Jun 19, 2013 ayaa weerar Ismiidaamin ah lagu qaaday xarunta hay,ada UNDP,waxaa weerarka ku dhintay dad ka badan 14 qof oo ay ku jiraan Ajaanib hay,ada u shaqaynayay,halka dad kalena ay ku dhaawacmeen.

Bartamihii April Weerar iyo qaraxyo lagu qaaday Maxkmada Gobolka Banaadir ayaa waxay sahaydeen nolosha 30 qof oo ay ku jireen Abuukaatayaal,waxaana dirqi ku badbaaday Guddoomiyaha Maxkamada sare Caydiid Ilka Xanaf.

7 September,2013 weerar iyo qaraxyo lagu weeraray Maqaayada Village waxa ku geeriyooday inta la og yahay 15 qof,halka 40 kale ay ku dhaawacmeen.

27 July 2013 ayaa weerar iyo qaraxyo lagu weeraray xarun walaalaha Turkigu ay ku leeyihiin Muqdisho,waxana weerarka ku geeriyooday 4qof oo ay ku jireen Muwaadin u dhashay dowlada Turkiga oo si rasmi ah ugu soo gurmatay umada Soomaaliyeed.

Dowladu waxay ku guulaysatay dib u habaynta Ciidamada iyo Hay’adaha amaanka,inkasta oo maamulada ka jira dalka ay ku dhaliilaan in loo baahnaa in Ciidamada laga qoro dhamaan gobolada dalka.

Dhanka kale,Garsoorka iyo Cadaalada dalka ayaan gaarin heerkii loo baahna waayo waxa Maxkmadaha Muqdisho ayaa waxa ka dhacay xukuno aan farxad galin dadweynaha Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka.

Waxaan xusuusta Xukunkii Maxkmada Gobolka Banaadir ay ku riday Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Luul Cali Cismaan oo lagu eedeeyay in ay iska kaashadeen been abuurka fal kufsi ah,hasa yeeshee dowlada ayaa markii ay ogaatay in ay dhextaagan tahay fadeexad ka dhan ah Cadaaalada xoriyadooda dib u siisay labadaasi Muwaadin.

Hadaba dowlada Soomaaliya,guulo maka gaartay amaanka iyo garsoorka sanadkii tagay,mise waxa jira dib u dhacyo u baahan hormarin horsocod keena?.

Dowlad wannaaga.

Nidaam dowladeed oo ku dhisan Aqoon,Cadaalad,Sinnaan iyo wada tashi,kana hufan Cadaalad daro,eex,nin tooxsi iyo Qaraabo kiil ayaa umada Soomaaliyeed ay baahi wayn u qabaan,inkasta oo ay adag tahay sida lagu gaaro himiladaas.

Wada shaqaynta u dhaxaysa Madaxweynaha,Ra’iisulwasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ah mid ka mid ah dowlad wannaaga ay ku guulaysatay dowlada Soomaaliya,inkasta oo dadka qaar ay ku doodaan in muhiim ay tahay in Hay’adaha dowladu ay wada shaqeeyaan,laakiin mid kasta ay awoodeeda Dastuur ay fuliso.

Puntland ayaa ku eedeysa dowlada Soomaaliya in la musuqmaasuqay deeqihii Waxbarasho ee lagu helay magaca umada Soomaaliyeed,lana badalay 26 qodob oo qayb ka ah qodobada Dastuurka dalka,iyadoo aan lagala tashan saxiixayasah Roadmap-ka,waxa kale oo ay ku eedeysa dowlada Soomaaliya in aysan ogolan hirgalinta nidaamka Federaalka.

Hadaba dowlada Soomaaliya maku guulaysatay hirgalinta nidaam dowladeed oo ka hana qaada dalka?.

2.Nabadaynta iyo Dib u Heshiisiinta.

Nabadaynta iyo dib u heshiisiinta umada Soomaaliyeed ayaa ah wadiiqo ka mid ah halka loo marayo helida Bulsho Caafimaad qabta oo qadarisa Qaranka,kana hufan Qabyaaldii ay aastay dowladii Kacaanka ee dib usoo noolaatay.

2-dii Septembar shirkii Qaran ee ka furmay magaalada Muqdisho oo ay soo qabanqaabisay dowlada Soomaliya ayaa inta badan dadweynaha Soomaaliyeed ay dhaliil usoo jeediyeen hannaanka loo soo Agaasimay shirka iyo dadka lagu caasumay.

Qayb ka mid ah Aqoonyahanka Soomaaliyeed ayay ula muuqatay in loo baahnaa in shirka looga hadlayo arrimaha Soomaaliya laga soo qayb galiyo dadka ay ka godo talada Soomaalida,mamada arrinta laga hadlayo ay ahayd arrin Masiir umadeed ah.

Waxa muuqanaya in wali umada Soomaaliyeed ay ku kala aragti duwan yihiin hannaanka loo marayo nabadaynta iyo dib u heshiisiinta umada.

Hadaba Dowlada Soomaaliya halka sano ee ay jirtay maka samaysay hormar nabadaynta iyo dib u heshiisiinta?.

3.Soo noolaynta adeegyada Bulshada.

Dib usoo  noolaynta adeegyada Bulshada,sida Caafimaadka iyo Waxbarshada waxay ka mid ahaayeen lixada Tiir ee uu balanqaaday in uu wax ka qabanayo Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxa jiray Arday loo diray deeqo Waxbaarsho oo dowladu ay door muhiima ka cayaartay,inkasta oo Puntland iyo gobolada kale ee dalka ay cabasho ka mujiyeen qaabka loo qaybiyay deeqaha Waxbaarsho.

Caafimaadku ma gaarin heerka loo baahna,waxase jira deeqo kooban oo dowlada Turkigu ay ay ugu deeqday dadweynaha Soomaaliyeed,laakinse waxa wali muuqanaya in aan hormar balaaran laga samayn arrimaha Bulshada.

4.Midnimada iyo Wada jirka umada.

Dowlada Soomaaliya waxay sii waday wada hadaladii dowladii KMG ahayd ee uu hogaaminayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay la bilowday maamulka Soomaaliland.

Madaxeynaha Soomaaliya ayaa qaba aragti ah in Midnimada umada lagu gaaro wada hadal,laakiin dowlada Soomaaliya wada hadalka ay kula jirto maamulka Soomaaliland aragti  midaysan kama qabaan dadweynaha Soomaaliyeed.

Dadweynaha daga Gobolada Sool iyo Sanaag  si cad ayay u sheegeen in Masiirkooda aysan matali karain Soomaaliland,ayna yihiin wadaniyiin aan gorgortan ka galayn Qaranimada umada.

Dhinaca kale,Safaradii Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay qaar ka mid ah Gobolada dalka ayaa lagu tilmaamaa talaabo hormarineed oo ay samaysay dowlada Soomaaliya.

Waxa kale oo lagu amaana dowlada Soomaaliya heshiiskii ay la gasahy maamulka Juba ee ka dacay wadanka Ethiopia,hasa yeeshee waxa lagu dhaliilaa xiriirka ay la leedahay Puntand iyo maamulada kale ee dalka oo aan gaarsiisnayd heerkii

Dhexgal:Soomaalidu wali cashar kama qaadan waayihii soo maray,intii lagu jiray burburka shirarka dadweynaha Soomaaliyeed loogu qabanay dibada lagama gaarin natiijo wax ku ool ah.

Mar baa layna geeyay Ethiopia iyo shirkii Sodere,muddo ka dib-na Masar ayaa laynoga gacan haadiyay,Jabuuti ayaan hadana isugu nimi,Kenya ayaan marti u noqonay,shirarkaas iyo kuwo kaloo la mataano ah natiijadoodu waxay noqotay Dhaan-dabagaale.

Dowlada Soomaaliya waxa lagu eedeeya in Masiirka umada ay kala hadashay dowlado dano gaar ah ka leh Soomaaliya,waxaana tusaale loo soo qaataa mudadii uu jiray khilaafka Jubbaland shirarkii ka dhacay Ethiopia iyo Uganda,Aqoonyahanka Soomaaliyeed ayaa qaba aragti ah in muhiim ay tahay Soomaalidu ay ka tashtaan Aayahooda,iayadoo shidaal qaaanaya natiijada wannaagsan ee laga dhaxlay shirarkii lagu dhisay maamulada Puntalnd iyo Soomaaliland.

”Taarikhda dib u eega waa laga danqaataaye”.

Midnimada iyo wada jirka umada ee waxqabadka sanadkii tagay sidee kuula muuqdaan?.

5 iyo 6;Abuurida Xiriir Caalami ah iyo Soo noolaynta Dhaqaalaha Dalka.

Aqoonsiga dowlada Maraykanku ay siisay Soomaaliya,cunaqabataynta hubka ee sida KMG ah looga qaaday Soomaaliya iyo shirarka caalamiga ah ee dowladu ay kaga qayb gashay dalka dibadiisa lagu tilmaamaa hormarka Siyaasada dibada ee ay dowladu hormarka ka samaysay,hasa yeeshee Dhinaca kale markaynu ka fiirino xiriirka Ethiopia iyo Kenya ee dowlada ma wannaagsanayn,arrimo badan ayaa la isku khilaafsanaa,taasi oo keentay in masuuliyiin badan oo ka tirsan dowlada Soomaaliya ay safaro wada hadal ah ku tagaan wadamada Kenya iyo Ethiopia.

Dhinaca kale Soo noolaynta dhaqaalaha dalka sida Xoolaha Kalluumaysiga,waddooyinka,Dekedaha,Garoomada iyo Mashaariicda kale ee uu balan qaaday in uu wax ka qabanayo Madaxweynaha Soomaaliya ayaan sanadkii tagay la dareemin guud ahaanba.

Ugu dambayntii Madaxda Soomaaliya xilka looguma dhiibin in ay furaha xafiiska wareejiyaan marka uu waqtigoodu dhamaado ee hadafka  loogu dhiibay waa in ay wax u qabtaan dalka iyo dadkiisa.

”Ninkii tmir abuuriyo;ninkii tiin talababa;Taarikhda ayaa warin;.

Cabdiqani Cabdullaahi Cabdi.

Qoraa iyo Falanqeeye Arrimaha Soomaaliya.

qalabadyare@gmail.com

=============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles