Maxay Noo Qabteen Qolooyinkii Aan Dooranay?
Ahemd A.Takar
takar77@hotmail.com
Sabteembar 09 2013
20 Agoust 2013 waxay aheyd sanadguuradii koowaad ee kasoo wareegtay maalintii la dhaariyey xildhibaanada Dowladda Federaalka Soomaaliya, maalintaasi raggii kitaabka gacanta saaray waxaa ka mid ahaa shanta xildhibaan ee laga soo xulay Beelweynta Leelkase ee u dhaartay iney si hagar la,aan ah ugu adeegaan Dalkooda iyo Dadkooda siguud ahaan, gaar ahaana degaanadii laga soo doortay iyaga xildhibaanadaas oo kala ah:
Abukate.C/raxman Xoosh Jibriil
Eng.Ciise Mohamed Ahmed(Guraase)
Dr. Abdulkadir Abdi Hashi(Gaabane)
Maxamed C/lahi Xasan(Fadhaye)
Cali Axmed Maxamed (Ameeriko)
Qormadaan waxaan jeclahay inaan su,aalo ku weydiiyo xildhibaanadaan kor kuxusan ee sharafta leh anigoo ku hadlaya magaca dadka iyo degaanka laga soo doortay ,anigoo aan wax badan idinka weydiineyn waxqabashada guud ee Soomaali oo dhan aad xilka u heysaan oo waxaad kala mid tihiin saaxiibadiina idinkula jira Baarlamaanka dhexe ee Dowladda Federaalka Soomaaliya .
1-si gaar ah maxaad u qabateen Dadkii iyo degaanadii la idinka soo doortay?
2-masoo booqateen degaanadii aad codkooda ku hadlayseen? Magaciina waa la maqlaa ee muuqiina aawey?
3-maxaa idiinka qorsheysan mustaqbalka oo aad ugu maqan tihiin Bulshadiina?
4-Iyadoo habka wax-qeybsiga soomaaliya ee maanta la ogyahay in beelo wax lagu qeybsado ,degaanada iyo dadka aad mateysaana ay ka qatan yihiin Deeqaha waxbarasho,caafimaad iyo gargaarkaba maxaa loo arki waayey idiinkoo kaalintiina kasoo baxay oo usoo dhiciyey wixii uga maqnaa Wax-qeybsiga Dowladda dhexe ?
5-maxaad ka fileysaan dadkiina markay dhamaato xilliga kooban ee aad ku fadhidaan kuraasta Baarlamaanka Dhexe oo ay noqooto in qof walba lagu qiimeeyo laguna soo doorto wixii uu qabtay?
Degaanada Beesha maanta waxaa ka bilawday mawjado horumar iyo kacdoon bulsho oo isbadal doon ah, hadaba waxaa iswaydiin mudan Dadka iyo degaanka maxay doonayaan? Dadka iyo degaanka maxay doonayaan?
1- Dadka Degaanku waxay doonayaan hoggaan wanaagsan oo horumar u horseeda.
2- Dadka iyo Degaankiinuba waxay doonayaan in ay dib u dhis bulsho abaabulaan, inay midnimo iyo isku duubni ku howgalaan,inay wax qaybsi iyo wax wada lahaansho abuuraan si ay uga baxaan marxaladda murugada leh ee maanta dul hoganeysa,iyagoo noqday mid la qaxiyay, iyo mid la cabsi galiyay oo la aamusiyay oo aan oran Karin waxaanu nama qabtaan.
3- Dadka degaanku waxay doonayaan in lala xisaabtamo dadka mansabka siyaasadeed ku gaara magacooda ha noqoto mid Goboleed (Puntlan) amase mid Dowladda dhexe, in la is waydiiyo degaankii laga soo doortay ma wax bay u qabteen mise waxeelo iyo lugooyo ayey ugu maqan yihiin?
4- Dadka Degaanku waxay doonayaan in aqoon-yahankooda qurba joogta ah iyo kuwa degaanada Nabaddaa u hayaamayba ay usoo noqdaan degaankooda si wadjir ahna degaanka loogu dhiso looguna horumariyo ayna maskaxda ku hayaanmaahmaahda oraneysa :{Misbaax minankaaga u baahan yahay minan kale lagama iftiimiyo.}
Gabagabadii iyo gunaanadkii,taariikh baa qormeysa qof walbow meeshaad ka gali lahayd iyo halkaad kaga qormi lahaydba adigu qorshayso, qof walbow waxaad qabatid iyo waxaad gaysatid taariikhday kuu galeysaa.
Tubta Toosan Allaha Nagu Toosiyo.
Ahemd A.Takar
takar77@hotmail.com
=============================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM