Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Puntland oo markii 2baad qaadacday Shirkii Muqdisho kusoo xirmay.

$
0
0

lllllll

Garoowe (RBC RADIO) Wasiirka Warfaafinta Puntland Abwaan Axmed Sheekh Jaamac ayaa sheegay in Dowlada Puntland aysan Raali ka ahayn kana soo horjeedo Qodobadii kasoo baxay Shirkii lagu qabtay Muqdisho ee looga hadlayay sida la sheegay aayaha Soomalida isagoo sheegay in Qoraalkii hadaladii iyo Fikiradii madasha lala yimid dhamaantood ay qaldanaayeen si aan saxneynna loo furay shirkaasi lagana soo saaray waxaan dan ugu jirin umada Soomaaliyeed.

 

Wasiirka Warfaafintu wuxuu xusay in Dowlada Puntland ay u taagan tahay isu soo celinta umada Soomaaliyeed isagoo tusaale usoo qaatay shirarkii kala duwanaa ee ka dhacay Garoowe iyo Gaalkacyo wuxuu kaloo xusay in Puntland aysan marnaba raali ka ahayn in Shacabka Soomaaliyeed ay Nabad darro kusii nagaadaan wuxuuse cadeeyey in maamulka Dowlada Soomaliyeed ay u badan yihiin dad wax ma garad ah oo aan u taagnayn danaha Dalka iyo Dadka Marwalbana ay ku dhiiranayaan kala fogaynta Shacabka Soomaliyeed sida uu yiri Wasiirrku.

 

Wuxuu kaloo soo hadal qaaday Wasiirka Warfaafinta Puntland Abwaan Axmed Sheekh Jaamac  Siyaasiyiin la sheegay in iyagoo Puntland matalaya ay ka qayb galeen shirkii Muqdisho kusoo xirmay wuxuuna soo hadal qaaday Wasiirku Madaxweynihii hore ee Puntland Jaamac Cali Jaamac oo Shirkaasi ka qayb galay wuxuuna sheegay inuusan dhaliil u hayn Jaamac hase” ahaatee Wax walba sabab ayeey leeyihiin  Jaamacna uguma cudur daari karo in  dhagahiisa ay kusoo dhacaan wax aan Soomaali u roonayn misna intuu madasha ka istaago ku raaco hadalada qayaaliga ah ee goobta laga lahaa ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland.

 

Horay ayeey Puntland u shaacisay in Shirkan Muqdisho ka dhacay ay kasoo horjeedo hadana waxay ku celisay in aysan aqbalayn qodobadii kasoo baxay Taasoo muujinaysa in Khilaafku uu halkiisii taagan yahay oo isku soo dhawaansho aysan jirin.

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles