Gaalkacyo[RBC Radio]Saddex qof ayaa lagu dilay hal qofna waa lagu dhaawacay duleedka barriga ee magaaladda Gaalkacyo gaar ahaan dhul daaqsimeedka loo yaqaan (BARQO-MAAL) oo ah dhul lugu dhaqo Geela,ka dib markii maleeshiyo hubaysan ay rasaas ku fureen barqanimadii maanta.
Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacaa ayaa la soo gaarsiiyay cisbitaalka guud ee gobolka Mudug,halkaado dhaawaca lugu dabiibayo.
Maamulaha cisbitalka guud ee gobolka Mudug Axmed Diiriye Sugule (Balli) oo lahadley warbaahinta waxaa uu sheegey in cisbitaalka la soo garsiiyey saddex qof oo meyd ah iyo hal qof oo dhaawac ah.
…”"‘Waxaa isbitaalka lasoo garsiiyey saddex qof oo meyd ah iyo hal qof oo dhaawac ah waxana xiligan lugu dabiibaya isbitaalka,waxaa la sheegey inay ay soo weeraren kooxo hubeysan xili ay ku sugnaayen dhul daaqsimeedka loo yaqaan (BARQO-MAAL)…”"“ayuu yiri Balli.
Dadkaan dhintey iyo kuwa dhaawacmey waxay ka mid ahaayn Geeley usoo ibgeysa caanaha Geela guddaha magaaladda Gaalkacyo.
Inta badan dilalka ay geestan maleeshiyadka hubeysa waxaa inta badan isku eedeya maamuladda ka jira magaaladda Gaalkacyo ee Puntland iyo Galmudug waxana xiriiro an sameeney oo an kula xiriirney labada maamul ee ka jira Gaalkacyo noo sura gali weydey.
Mana ahaa markii ugu horeysey oo sidin oo kale dad lugu laayo duledka magaaladda Gaalkacyo waxana jirta inay falkaan marar badan soo lab laabten.
_________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio