Waxaa markii labaad la xanibay bartii ay al-Shabaab ku lahayd Twitter-ka,waxana ay noqoneysa in sannadkan markii labaad la joojiyey qoraaladdii ay kusoo ban dhigi jireen al-Shabaab Twitter-ka oo ah bar ay kuwadda xiriran bulshadda.
Marka la booqdo cinwaankii Al-Shabaab ay ku lahaayn Twitter-ka oo ahaa ‘@HSMPress1’ wuxuu Twitter kuu sheegayaa in la xannibay, iyadoo aanay kuu muuqanayn faahfaahin intaas ka badan.
Xanibaada la xirey Twitter-ka al-Shabaab waxaa uu imaanaya xili dhawaan ay kusoo bandhigeen al-Shabaabku qoraal ay ku sheegen weerar gaadmo ah inay la beeg-sadeen madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdi la socday oo kusii jeeday degmada Marko.
Xooggga dagaallama ee al-Shabaab ayaa jawaab ay ka bixiyeen xiritanka la xirey boggada Twitter-ka, waxay ku sheegen inay tahay mid lugu aamusinayo runta iyo xaqiiqda ka jirta Soomaaliya oo ay kusoo bandhigi jireen,waxana dhankooda ay sheegen in wax shaqo ah usan qaban karin bartii ay ku lahaayen Twitter-ka.
Sharuucdda udagsan shirka Twitter-ka ayaa ah oo ay horey ubaahiyen inay ka xiraan cidii u adagsata Twitter-ka,falal dagaall,hanjabaad iyo wixii cabsi galinaya shacabka inay xiri doonan oo aysan isticmaali karin.
Xiritanka maanto Jimace ah laga xanibey al-Shabaab boggii ay ku lahaayen Twtter-ka waxaa uu imanaya xili Bishii Jannaayo ee sannadkan la xiray boggii hore ee Al-shabaab ay ku lahayd Twitter, kaasoo ahaa: @HSMPress.
Waxaa wali shaqeynaya cinwaan lagu qoro af-Carabi oo ay Al-Shabaab ku leedahay Twitter ayaa weli shaqeynaya.
__________
RBC Radio