Muqdisho (RBC) Dhowr boqol askari oo ka mid ah ciidan tababar militari ku qaadaneyey xerada Tababarka ee Jasiira ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa maanta iyagoo gadood ah lagu arkay waddooyinka magaalada Muqdisho.
Ciidankan oo aan wax hub ah sidan hase yeeshee ku labisnaa dharka tuutaha ayaa iyagoo lugeynaya lau arkay wadada u dhexeysa Xerada Jasiira ee ay ku jireen illaa garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.
Qaar ka mid ah askarta soo gadooday oo saxaafadda gudaha u waramay ayaa sheegay inay xeradii ay ku tababaran jireen ay isaga soo bexeen kadib markii ay wax daryeel ah ka waayeen wasaaradda gaashaandhiga oo ay hoostagaan.
Xubnahaasi u hadlay askarta gadooday waxay sheegeen in dhowaan loo ballanqaaday in mushahar $300 ah la siin doono askari kasta balse aan la siinin lacagtaasi ay filayeen.
Waxay sheegeen in qaarkood ay yihiin xaaslayaal, ayna yihiin dad carruur leh, isla markaana mudo saddex bilood ah oo ay tababarka ku jireen wax mushahar ah aysan helin.
Dadweynaha ku nool degmada Wadajir iyo wadada Dheer KM4 ayaa galabta bannaanada u soo baxay markii ay arkeen askarta gadoodsan oo raxan raxan u socota jidadka, walow aysan wax hub ah wadan.
Illaa hadda wasaaradda gaashaandhiga iyo hay’adaha kale ee xukuumadda kama hadlin gadoodka ay sameeyeen askarta dhowrka boqol ah oo noqoneysa markii ugu horreysay oo ciidan tiro intaas la’ eg ay mar qura gadood sameeyaan magaalada Muqdisho.
RBC Radio