Boosaaso[RBC Radio] Madaxweynaha Dowladda Soomaaliyeed ee Puntland Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud ayaa Shuruud adag ku xiray Wadahadalo ay dib Puntland ula Yeelato Dowwladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdirixmaan Faroole oo Waraysi Muuqaal ah siinayey Telefishinka Somalichannel ayaa tilmaamay in Dastuurka iminka uu yahay mid Dowladda Federaalku Qodobada ku jira wax ka badel ku sameeyey,taas inta ay jirtana aysan Wadahadal la galeyn.
…””Wadahadallo aan la furno Dowladda Soomaaliya,waxaa ka horreeya in la aqbalo in Dastuurkii laga bedelay 31-ka qodob dib loosoo celiyo,,markaas ayaan ogolaan karnaa inaan wada-hadal ogolaanno…””ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in Wadahadal ay la galaan Dowladda Federaalka ay ku xirantahay oo kaliya marka ay dib ugu soo celiyaan qodobada ay ka badaleen Dastuurka isla markaana aysanba Ogolaan doonin Dastuur wax laga badelay.
….”” “Qodobbada aan sheegnay in laga bedelay Dastuurka wax aan ka ahayn oo aan aqbalayno ma jirto. Dowladdana wax wadah-adal ah la geli mayno inta Dastuurka dib loogu soo celinayo kiisii hore…””ayuu yiri Faroole.
Puntland ayaa Warsaxaafadeed ay soo saartay bishii 05 August 2013 ku sheegtay in si rasmi ah u hakisay Wadashaqeyntii iyo Xiriirkii ay la lahayd Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalka ay Puntland soo saartay in Dowladda Federaalku is hortaagtay dhisida Maamulo Federaal ah oo hoos yimaada dowladda dhexe.
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo marti u ahaa Todonaadkan Idaacada afka Dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in dadaal u galayaan sidii Xal loogu heli lahaa khilaafka u dhaxeeya Puntland iyo DFS.
Xasan Shiikh Maxamuud ayaa tilmaamay in Shacabka reer Puntland ay hormuud u yihiin Dowladnimada Soomaaliya isla markaana dadaal ku dadaalayaan sidii Ummadu uga bixi lahayd dhibaatada haysata
….”” Dowladu waxay wadaa qorshe ay kula hadleyso Puntland,waxaan si aad ah ugu dadaaleynaa inaan xal u helno wixii keenay in Puntland xiriirka u jarto Dowladda Federaalka,waayo waxaan nahay Bini’aaadam khalad waa dhici karaa xalna waa loo heli karaa…””ayuu yiri.
Si kastaba Shuruuda ay Puntland ku xirtay Wadahadalada Dowladda Federaalka weli kama aysan hadlin DFS,waxaana jirta in dhawaan ay Puntland qaadacday Shir lagu sheegay Wadatashi kaas oo ka soconaya magaaladda Muqdisho.
______________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso
twitter.com/CismaanTurabi