KISMAAYO (RBC) Faras magaalaha Kismaayo, inta u dhexeysa saldhiga booliska iyo Isbitaalka waa Fagaaraha beerta xorriyadda oo dadweynaha reer Kismaayo isugu iman jireen bannaanbaxyada iyo salaadaha ciidda sanad kasta, balse hadda burbur xoog lihi ka muuqdo. Taaladii beerta Xorriyada waxaa ka sii muuqda xoogaa dhagxaan iyo ciid wasaqowday, waxaana la ii sheegay in Al Shabaabkii ka talin jiray Kismaayo ay dumiyeen taallada oo ay u arkeen Dhagax SANAM ah. Kuraasta dhagaxa ka sameysan ee sida afar- afarta la isaga horkeenay ee ku yaalla jardiinada ku xigta Beerta Xorriyada ma jirto cid fariisata ama ku sheekeysata maalmahan.
Kismaayo kuma arkin, la iimana sheegin biibitooyin lagu fadhi ku diriro, siyaasadana lagu gorfeeyo, sida Muqdisho oo inta odayaal iyo dhalinyaro danta isbiday isu yimaadaan ay faallooyin siyaasadeed oo been iyo runba leh ay ku qaxweeyaan. Sida xaqiiqda ahna dareenka amni iyo marxaladaha isbedelka badnaa ee soo maray Kismaayo ayay dadkeeduna la jaanqaadeen. Waxaan dareemayay in dadka caadiga ah ee reer Kismaayo weli cabsi badan ka qabaan ka hadalka arrimo siyaasadeed ama ugu yaraan inay si furan kuugu sheekeeyaan.
Muuqaalka hadda iyo kii hore
Ka hor tegitaankeyga Kismaayo, waxaan aaminsanaa in muuqaalka hadda ka jira Kismaayo uu dhab ahaan ka duwanaan doono kii ka jiray ku dhowaad shanti sano ee ay Al Shabaab ka talinayeen magaaladan laakiin hadda xaqiiqda taasi way ka duwan tahay. Mar arkin dumar sita dharka “Baatiga” ee ay Al Shabaab dumarka ka mamnuucday. Ragga dhalinyarada ah xitaa kuwa maleeshiyaadka ee hubeysan ayaa qaab lebiskoodu u eg yahay dadka ku nool deegaanada Al Shabaab ka taliso.
Gidaarada xafiisyada xarumaha maamulka, sida garoonka, dekedda, xarunta degmada iyo dhismayaasha magaalada dhexdeeda waxaa weli ku xardhan qoraalo ay ku sameeyeen Al Shabaab, sida calanka madow, astaanta Al Shabaab ee labada qori ee isku dhex jirta, sawirada qoryo iyo bambooyin iyo kelmado Carabi iyo Soomaali ah. Tusaale ahaan, waxaa xafiiska gudoomiyaha degmada Kismaayo ku qoran “Xarunta Wilaayada Islaamiga ee Kismaayo” oo ku naqshadeysan tabeelle si fiican u muuqda.
Dhowr goobood oo ay ka mid yihiin, garoonka diyaaradaha, dekedda, guryo magaalada dhexdeeda, xarunta jaamacadda Kismaayo iyo madaxtooyada [guriga gobolka] waxaan ku arkay calanka Soomaaliya ee midabka Buluuga, xidigta cadna dhexda ku leh oo la suray. Guriga gobolka waxaa calanka Soomaaliya ka dhinac babanayey calan ka kooban saddex midab oo kala ah Madow, Cagaar iyo Casaan [guduud] oo la iigu sheegay inuu yahay calanka “maamulka Jubbaland” ee hadda tashigiisa loo fadhiyo.
Inkastoo la ii sheegay in dad badan ay magaalada ku soo laabteen saddexdii bilood ee u dambeysay, haddana faras magaalaha Kismaayo ma ahan mid mashquul ah. Dadka ugu badana malahayga waxay Kismaayo ka joogaan inta u dhexeysa Calanley illaa Aargada iyo jidka dekedda gala oo ah dhulka ganacsiga badankiis ku yaallo. Xaafadaha Buulo Abliko, Farjanno iyo Dalcaddana waxaan ku arkayay labo illaa saddex ruux oo lugeynaya ama meel taagan.
Booqashadii isbitaalka
Isbitaalka Kismaayo waxaa uu saaran yahay jidka laamiga ee bartamaha magaalada mara, waxba uma jiro Beerta Xoriyadda iyo saldhigga booliska oo maalin hor imaanshahayga uu dagaal ku dhex maray labo maleeshiyo oo ka wada tirsan kuwa dawlada taabacsan.
Isbitaalka weyn ee Kismaayo, waa dhisme gaboobay oo tan iyo dawladii dhexe ee dalka wax dayactir ah helin, wallow rinji midabkiisu cusub yahay uu ka muuqday gidaarada isbitaalka. Albaabka markii aan ka galnay waxaa naloo sheegay in maamulaha uu ka maqan yahay isbitaalka. Waxaanse fursad u helnay inaan gudaha u galno. Qeybta bukaanada seexdaan ee isbitaalka waxaa iridka ugu horeeya fadhiyey labo dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa qoryaha AK47, salaan ka dib markii ay na arkeen inaan wariyaal nahay, waxay noo sheegeen inaan la ogoleyn inaan bukaanada u galno oo sawiro ka qaadano ama wareysano. Isla markiiba ay sidaas noo sheegeen, labadii nin ee hubeysnaa intay fadhigooda ka joogsadeen ay albaabka qeybtan laga galo isku gudbeen mid kastana qorigiisa gacanta ku diyaarsaday.
Sida muuqatay raggan waxay ilaalo ka hayaan rag ay ehel yihiin oo dhaawac ahaan isbitaalka u jiifa. Dooda ugu weyn ee dhalinyarada na hor istaagtay waxay ku soo urureysay in “wariyaasha ay doonayaan sawir kaliya balse aysan cunto iyo daawo midna u wadin isbitaalka iyo dadka bukaanada ee ku jira”. Kaliya Ma ahan isbitaalka qura meesha dareenkaasi yaalo, illaa saddex meelood oo kale oo ay ku jirto xaafada la yiraahdo “Buulo Yaaq” oo ku dhow garoonka ayaan ku arkay dad dareenkaasi qaba. Hase yeeshee maleeshiyada isbitaalka joogtay waxaa iyaga dareenkaasi u wehliyey caro iyo ciil ay u qabeen maamulka Kismaayo iyo saraakiisha ciidamada oo ay anaga nagu furfureen.
Raggii amniga noo qaabilsanaa ayaa markii dambe ku guuleystay inay maleeshiyada isbitaalka naga hor joogsatay ku qanciyaan in suxufiyiintu rabaan inay adduunka u gudbiyaan xaalada isbitaalka iyo dhibaatada heysata dadka dhaawacyada ah, ayna fursad u tahay maamulka iyo bukaanada isbitaalka inay baahidooda ku soo bandhigtaan wakiilada warbaahineed ee isugu jiray kuwa dibadda iyo kuwa gudaha ee maalintaa soo booqday.
Qolka bidix ee qeybta bukaanada la jiifiyo waxaan ku arkay afar nin oo dhaawac ah kuwaasoo sida naloo sheegay ahaa maleeshiyadii ku dhaawacantay dagaalkii Sabtidii 23/02/2013 ka dhacay saldhiga booliska oo aan ka fogeyn isbitaalka. Ragga dhaawaca mid ka mid ah waxaa uu ahaa sarkaal boolis lagu magacaabo “QALINLE”. Qalinle ma uusan dooneyn in la sawiro ama wareysi ka duubno laakiin, dhaawacyada kale ayaa noo ogolaaday inay nala hadlaan.
Intoodii fursada aan u helnay inay nala hadlaan waxay noo sheegeen inay ahaayeen ciidan laga gardarnaa oo haddana la dayacay markii ay dhaawacmeen, caro iyo xanaaq badan way ka muuqatay, marnaba maysan ogoleyn in la soo hadalqaado “maamulka Kismaayo”.
Qeybta midig ee Waaxda Bukaanada jiifaan, waxaa dhex jiifa wiil dhalinyaro 18 jir ah oo lugta ka jaban. Waxaa dushiisa taagan hooyadiisa. Waxaan isku dayey inaan la hadlo wuuna ii sheekeeyay.
Maxamed Yuusuf, wuxuu ii sheegay in labo bilood ka hor la keenay isbitaalka ka dib markii xilli habeen ah ay rasaas ku fureen rag hubeysan oo ka qaadaneysay telefoonkiisa gacanta “mobilka” xilli uu ku sugnaa albaabka hoygooda oo ku yaalla xaafada Dalcada. Rasaasta waxay jabisay lugtiisa midig welina waxaa saaran qoryaha dadka jaban lagu xiro. Weerarkaas waxaa ku sigtay Maxamed aabihii oo Illaahay ka badbaadiyey rasaas fara badan oo lagu soo riday.
Maxamed Waxaan weydiiyey daryeelka uu ku heysto isbitaalka, wuxuuna ku sigtay inuu ilmeeyo. Wuxuu igu yiri “lugteyda waxay ku dhow dahay in la gooyo, maalinba maalinta ka dambeysa waxaa sii kordhaya xannuunka, daawo ma leh isbitaalka”.
Maamulaha isbitaalka oo markii dambe nagu soo gaaray wuxuu noo sheegay in guud ahaan dhaawacyada isbitaalka ku jira iyaga ay jeebkooda ka iibsadaan daawada. “Ma jirto hay’ad na taageerta iyo dawlad wax na siisa” ayuu yiri maamulaha.
Qeybta carruurta ee isbitaalka way xirneyd, waxaanse ilinka ka taagnaa labo dumar ah oo markaas hawl nadaafadeed ka hayey. Sida maamuluhu sheegeyna waxaa weli ku socda qeybtan dayactir kooban oo dhowaan lagu bilaabay sidaasi awgeed adeegii caafimaad ee carruurta kama jiro isbitaalka waqtigan.
W/Q: Cabdalle Muumin
RBC Radio, Kismaayo
Email: Cabdallemuumin2@gmail.com