Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dood Cilmiyeed Ku Saabsan Tahriibta Oo Lagu Qabtay Magaaladda Qardho [Sawirro]

$
0
0

SONY DSCQardho[RBC Radio] Dood cilimiyeedkaan oo ku saabsaneyd dhibaatooyinka iyo qataraha tahriibka ayaa waxaa lagu qabtay magalada Qardho waxaana ka soo qeybgalay Musharax Cali Cabdi Awaare,Gudoomiyaha Degmada Qardho Maxamed Siciid Ciise ,Gudoomiyaha Gobolka karkaar C/qur’aan Maxamed Aadan,Gudoomiyaha Gudoonka waxbarashada Degmada Qardho Siciid Maxamed Faahiye,Xildhibaan Cabdiqaadir Siciid Caarshe(Dhaqaaje) iyo Xildhibaan Axmed Maxamuud Ducaale (Duuje) ,Siyaasi Faarax C/llaahi, Maareeyaha Shirkadda Golis Xarunteeda Qardho Axmed Cawale Gaare,Maamulaha Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda Qardho Cali Maxamed Cali, iyo marti sharaf kale waxaana doodaan soo agaasimay ardayda wax ka barata jaamacaddaha dalka  Masar ee ka soo jeeda magalada Qardho waxaana lagu soo bandhigay doodcilmiyeedkaan Muuqaalo iyo sawiro muujinaya dhibaatooyinka iyo khataraha tahriibka waxaan dadkii ka qeybgalay doodaani ay sheegeen in ay haboontahay in si wada jir ah wax looga qabto dhibaatooyinka tagriibka oo sameyn kulul ku yeeshay dhalinyarada.

Musharax Cali Cabdi Awaare oo ka hadalay doodaani ayaa sheegay in dhibaatooyin badan ay kala kulmaan dhalinyarada isku biimeysa tahriibka,waxa uu xusay in qoysas badan ay ku dhamaadeen tahriibka,dhalinyaro badana ay ku halaagsameen saxaraha iyo baddaha ay u tahriibeen kuwa badbaadayna meeshii ay rabeen markii ay tageen in ay kala kulmeen wax aanan fileyn qaarkoodana ay ka qaateen cudurada maskaxda taasina waxa ay keentay in ay danbiyo badan galaan kadibna xabsiyo ay muteesteen.

SONY DSC

Gudoomiyaha Degmada Qardho Maxamed Siciid Ciise oo ka hadalay Dood cilmiyeedkaan ayaa sheegay in markii hore ay jireen xafiisyo laga dhoofiyo tahriibayaasha aada yemen laakin hadda waxaa soo baxay in xafiisyo kale la furay kuwaasi oo ay ka tahriibaan dhalinyarada Puntland,waxa ayna arintaasi keentay in dhalinyarada ay u soo baxaan rag kadibna u sheegay in ay si fudud ku geenayaan Yurub laakiin marka ay gaaraan saxaraha Liibiya in loo geeyo Nin lagu magacaabo Mgafe oo lacago badan ka qaado dhalinyarada tahriibka kuwii bixin waayana qaarkood lagubo,la jarjaro,xubnaha ugu muhiimsan jirkooda lala baxo,waxa uu ku taliyey in ladabagalo xafiiskyadaas cidda mas’uulka ka ah ee caruurta ka xeeyo.

Korneyl Yaasiin Cumar dheere oo ka qeybgalay Dood cilmiyeedkaan ayaa sheegay in ay Jirto Gaari nooca Nohada loo yaqaano oo daabulo dhalinyarada tahriibka aada oo geysa illaa wajaale,kadibana ay u gudbaan Ethopia siina markaan Suudan marka ay gaaraan Saxaraha liibiya loo geeyo Ninka la yiraahdo Magafe oo waalidiinta ku amra in ay soo diraan Lacago badan hadii kale ay  waayidoonaan caruurtooda,waxa uu si adag u  sheegay in la maqli jiray dad tahriiba laakiin sanadahaan danbe in uu faro kulul ku haayo dadka ku nool magalada Qardho,waxaana bilwalbo Qardho ka tahriibo dhalinyaro badan iyadoo ay jirto bishii tagtay Dadkii ku dhintay doontii ka baxday Badda liibiya ee ku sii jeeday dalka Talyaaniga in ay ku jireen dhalinyaro ka tahriibtay Qardho.

Dood Cilmiyeedkaan ayaa waxaa lagu soo bandhigay Muuqaalo Naxdin leh oo qaar kood ay ka muuqdeen dhalinyaro tahriib ah oo si toos ah loo tooganaya,iyo tahriibayaal badan oo saxaraha ku dhintay oo xabaalwaradeed loo sameeyey,iyo tahriibayaal dhaawacyo Culculus ka soo gaaray iyo kuwa lagala baxay Xubnihii ugu muhiimsanaa jirkooda,iyo dhaqaatiir cadeyneysa arintaasi.

Labadii sano ee la  soo dhaafay ayaa deegaanada Puntland dhalinyarda ku nool waxaa si weyn u saameyey tahriibka,waxaana jira dad u fududeeyo tahriibka oo ku dhuumaaleysanaayo magaalooyinka,waxa ayna dowladda sheegtay in ay wax ka qabaneyso arintaani,waxaana warbixin dhawana la soo saaray sheegtay intabadan dhalinyarada ku nool Puntland  in ay tahriibeen bilihii la soo dhaafay.

Goobaha xawaaladaha marka aad gaarto waxaad arkeysaa waalidiin barooranaya oo lacago u diraya liibiya si ay u badbaadiyaan Caruurtooda ka tahriibtay,waxana dareemeysa walwal iyo walbahaar marka aad aragto murugada iyo fikirka ka muuqda waalidiintaas,waxaana haboon in si wada jir ah wax looga qabto Tahriibka saamynta ku yeeshay dhalinyarada.

SONY DSC SONY DSC SONY DSCSONY DSC SONY DSC SONY DSC

SONY DSC

_________________________

RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles