Beledweyne(RBC Radio) Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Banaadir ayaa xaqiijinaya in 24-kii saac ee ugu danbeeyey ay magaaladaasi cudurka shuban-biyoodka ugu geeriyooday dad kor u dhaafaya 14 ruux oo u badan carruur aad u da’yar cudurka shuban-biyoodka ayaa ka dilaacay magaalada Beledweyne waxaana la ildaran dad kale oo fara badan kuwaas oo lagu dabiibayo xarumo caaafimaad oo ay hirgaliyeen ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah kuwa Amisom ee ku sugan Beledweyne.
Agaasimaha Cisbitaalka guud ee magaalada Beledweyne Axmed Max’ed Khaliif oo u waramayey laanta Afka-Soomaaliga ee idaacada VOA ayaa xaqiijiyey in cudurka shuban-biyoodku uu soo ritay 33 ruux kuwaas oo ku kala nool xaafadaha magaalada Beledweyne iyo tuulooyinka kuyaalay duleedyada magaalada 24-kii saac ee ina dhaafat.
Agaasimaha ayaa sheegay in 33 ruux ee uu soo ritay ay 14 kamid ah u geeriyoodaan cudurka wuxuuna kaloo tilmaamay iney hada la tacaalayaan daaweynta bukaanada kale ee la ildaran cudurka shuban-biyoodka ee lasoo gaarsiiyey xarumaha caafimaadka magaaladaas.
Cudurka shuban-biyoodka ayaa inta badan ka dilaaca gobolada dalka Soomaaliya xiliyada kulaylaha waxaana sanad waliba u dhintay boqolaal ruux oo carruur u badan,dhaqaatiirta ayaa u aaneeya inuu ka dhasho cudurkani xiliyada jiilaalka oo ay dadka soo food saarto biyo yari taasine ay keento iney cabbaan biyo wasaqeysan sidaasine uu ku yimaado cudurku.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho