Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Isbaarooyinkii Shabeelaha Hoose oo Dhammaan La Qaaday Iyo Wasiirka Gaashaandhiga oo Socdaal Dhulka ah Ku Maraya Gobolka

$
0
0

Isbaaro-wadadaMuqdisho (RBC) Wasiirka gaashaandhiga dawlada federaalka Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa socdaal dhulka ah ku maraya degmooyinka gobolka Shabeelaha Hoose halkaasoo uu u kuurgalayo dhaqangelinta heshiis dhowaan la kala dhex dhigay beelaha gobolka.

Wasiirka oo ay wehlinayaan xubno ka mid ah maamulka gobolka, saraakiisha ciidamada, odayaal iyo saraakiisha AMISOM ayaa socdaalkiisa shalay ka bilaabay magaalada Muqdisho iyadoo uu degmada Afgooye ka bilaabay inuu la hadlo ciidamada fariisimaha ku leh degmooyinka iyo tuulooyinka u dhexeeya Muqdisho illaa degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Intii uu ku jiray wasiirka socdaalkiisan ka bilawday Muqdisho ayaa wuxuu horey u sii qaaday dhammaan isbaarooyinkii yaallay wadada ee ay dhigteen ciidamada kuwaasoo lacago aan sharci ahayn looga qaadi jiray gaadiidka dadweynaha ee isticmaala wadada.

Sida ay saaka soo sheegayaan qaar ka mid ah wadayaasha baabuurta, waxaa saaka illaa shalay si xorriyad ah ay gaadiidleyda ku marayaan wadada dhexe ee ka baxda Muqdisho illaa degmooyinka gobolka Shabeelaha Hoose.

Waddooyinka gobolkan ayaa ahaameelaha ugu isbaarooyinka badan dhammaan koonfurta Soomaaliya waxaana gaadiidleyda ay ka caban jireen in ka badan 30 isbaaro oo lacago qasab ah looga qaadi jiray, iyadoo dhowr jeerna arrintaasi uu ka hadlay madaxweynaha dawlada federaalka ah Xasan Sheekh Maxamuud.

Tallaabadan lagu baneeyay jidadka ay isbaarooyinka yaalleen ayaa la sheegayaa inay bilaw u tahay dhaqangelinta heshiis dhowaan lagu saxiixay Muqdisho kaasoo ku saabsanaa amaanka gobolka Shabeelaha Hoose oo ay dhowaan ku dagaalameen maleeshiyaad beeleedyo isku qabsaday isbaarooyin.

Haddii tallaabadan koowaad ay meelmarto ayaa waxaa ku xigi doona in dawlada oo kaashaneysa odayaasha beelaha ay ku dhawaaqdo maamul gobol oo cusub oo ka arimiya deegaanka.

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles