Muqdisho(RBC Radio) Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheek Cismaan Jawaari ayaa si kulu u dhaleeceeyey qarixii ismiidaamin ee maanta ka dhacay afaafka hore ee Ex-Foyoore kaasoo dhaliyey dhimashada dad fara badan oo rayid ah.
Warsaxaafadeedka kasooo baxay gudoomiyaha baarlamaanka ayaa lagu bilaabay sidan ” INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN, runtii waxaan dareenka murugada iyo xanuunka leh la qeybsanayaa dadka Soomaaliyeed ee maanta ay gacanta ka gardaran ku xasuuqday magaalada Muqdisho, runtii waa fal cadawtooyo ah oo aad u xun”
Warsaxaafadedka gudoomiye Jawaari ayaa lagu yiri ” waa fal aan diinta Islaamka raad ku laheyn in dad muslimiin ah oo aan waxba galabsan lagu haligo qarax ayaga oo danahooda raacanaya, dadkii shacabka ahaa ee maanta ay argigixisadu goobtaas ku dileen ma aheyn kuwo siyaasad ama dhinac la safan, wuxuuna falkaasi cadeynayaa cadaawadda ay argigixisadu u qabaan shacabka Soomaaliyeed oo ah iney nabadda iyo hormarka u diidan yihiin.
Jawaari ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada dadkii shacabka ahaa ee goobtaasi ku geeriyooday isaga oo Alle uga baryey dadkii goobtaasi ku dhintsy inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo ,eheladooda iyo qaraabadoodana uu samir iyo iimaan kasiiyo.
Warsaxaafadeedka kasoo baxay gudoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaaliya ayaa ugu danbeyntii wuxuu ku booriyey shacabka Soomaaliyeed iney meel ugasoo wada jeestaan cadawgooda islamarkaana aysan falalka argigixisada ah ka niyad jebin hormarka ay hiigsanayaan.
—–DHAMAAD—–
Xafiiska Warfaafinta Gudoomiyaha Baarlamaanka
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho