Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka gobolka Hiiraan oo waqti u qabtay iney Hay’adaha Gargaarku kusoo bandhigaan Waxqabadkooda

$
0
0

beldweyneeBeledweyne{RBC Radio} Maamulka gobolka Hiiraan ee dowladda Soomaaliya ayaa muddo cayiman u qabtay hay’adaha gargaarka ee ka hawlgala gobolkaa iney kusoo bandhigaan wax qabadkooda,gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo ka hadlayey kulan ay magaalada Beledweyne ku yeesheen waxgaradka,aqoonyahanada,maamulka iyo qaybaha kale ee bulshada reer Hiiraan oo looga tashanayey wax qabad la’aanta Hay’adaha gargaarka ayaa ka dhawaajiyey arintani.

Gudoomiye Cabdi Faarax Laqanyo ayaa daboolka ka qaaday in shacabka iyo maamulka reer Hiiraan aysan u dulqaadan doonin 23 sano oo waxqabad la’aan ay ku caanbexeen Hay’adaha gargaarka,wuxuuna shaaca ka qaaday in hadda wixii ka danbeeya uu bilowday isla xisaabtan.

Cabdi Faarax ayaa ku amray  dhammaan Hay’adaha ka hawlgala gobolka Hiiraan iney kusoo gudbiyaan waxqabadkooda  muddo 7 Maalmood ah si looga warhayo iney si dhab ah wax ugu qabanayaan shacabka,wuxuuna digniin u diray Hay’addi u hogaansami weysay amarka maamulka gobolka Hiiraan,wuxuuna tibaaxay in Hay’ad walba laga doonayo iney maalin walba soo gudbiso waxqabadkeeda si loola socdo hawlaha ay dalka ka hayaan.

Gudoomiye Laqanyo ayaa ammaanay hawlaha ay gobolka Hiiraan ka wado Hay’adda ICR oo uu sheegay in ay maalin walba maamulka usoo bandhigto waxqabadlkeeda iyo hawsha ay maamlintaa ku dhaqaaqayso,gudoomiyaha ayaa Hay’adaha kale ugu baaqay iney ku daydaan ICRC.

Wuxuuna ku nuuxnuuxsaday inaan la aqbali karin in Hay’aduhu ay afka uun ka sheegtaan iney gargaar u fidiyaan dadka ku tabaalaysan gobolka Hiiraan,isagoona intaa ku daray in maamulka gobolka Hiiraan uu usoo jeestay la xisaabtanka Hay’adaha gargaarka sida uu sheegay.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles