Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Xildhibaan C/rashiid Xidig oo rajo wanaagsan ka muujiyey wadahadallada la filayo iney Addis ababa uga furmaan dowladda feeraalka iyo maamulka Jubaland

$
0
0

raxKismaayo{RBC Radio} Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda gobolada Jubooyinka oo xiligan ku sugan gudaha magaalada Kismaayo ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey wada hadallada lagu wado iney dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubaland iney uga furmaan magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Xildhibaan C/rashiid Maxamed  Xidig ayaa ka dhawaajiyey in shirka lagu wado inuu ka furmo magaalaa Addis ababa ay kasoo bixi doonaan is afgarad horseeda heshiis meesha ka saara madmadowga  iyo ismaandhaafka ka dhex taagan dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubaland ee uu hogaamiyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Mudanahan ka tirsan baarlamaanka  Soomaaliya ayaa tilmaamay in wadahadalladu ay dan u yihiin shacabka Soomaaliyeed,wuxuxuna  xusay iney haboonaan lahayd in shirka lagu qabto meel kamid ah gudaha dalka geedka hoostiisane la wada fariisto si xal loo gaaro,wuxuuna carrabka ku dhuftay iney wada hadalladan kasoo bixi doonaan go’aano ay ku diirsadaan shacabka Jubooyinka.

C/rashiid Maxamed Xidig ayaa dhanka kale ka hadlay safarkiisa magaalada Kismaayo wuxuuna sheegay inuu Kismaayo ku joogo fasaxii baarlamaanka uuna halkaa wada hadallo la tashiya uu  kula leeyahay qaybaha kala duwan ee bulshada gobolada Jubooyinka.

Magaalada Addis ababa ayaa waxaa gaaray wufuu ay kala hogaaminayaan madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Muane Xasan SH Maxamuud iyo Axmed Maxamed Islaam madaxweynaha maamulka Jubaland.

 

`

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles