Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
Minneapolis (RBC Radio) Waxaa dhawaan la filayaa in maamulka Jubbaland ay ku dhawaaqaan golaha wasiirada ee Maamulkaas u noqon doono golihii wasiirada ee ugu horeeyey.
Waxaa Raxanreeb.com ka wareysatay Maxamed Cabdiraxmaan Wardheere oo kamid ahaa ergadii wax ka aasaastay maamulka Jubbaland.
Siyaasi Maxamed Waredheere ayaa waxa uu dhawaan kasoo noqday magaalada Kismaayo waxaana ugu horeyn weydiinay xaalada uu maamulkaas ku sugan yahay waxana uu ku jawabay.
“…… Runtii maamulka sidii loogu talagalay ayuu u socdaa aad buuna u fiican yahay”
Maxamed Wardheere oo ka jawaabaya Isqabqabsiga u dhexeeya maamulka Jubbaland iyo Madaxda Dowlada Fedraalka ayaa waxa uu yiri.
“Iaqabashada iyo is afgaranwaaga ma ahan in Dowlada Jubbaland iyo Dowlada Fedraalka in ay isdiidan yihiin cilado farsamo un weeye”
Isaga oo ka hadlaya sidii loo maareeyey Dhismaha Maamulka waxa uu yiri
“Runtii maamul goboleedkas Waqtigii naga galay waxaad moodaa in uu mira dhalay dadkii soomaaliyeed ee meesha isugu tagayna waa ay ka mideysnaayeen in maamul goboleed la sameeyo”
Maxamed Wardheere ayaa ku tilmaamay eedeemaha loo jeedinayo Ciidamada AMISOM ee ku sugan Kismaayo mid aan sal iyo raad toona aan laheyn.
“Waxa dhabta ayaa la isku sheegaa kala duwanaashaha ay Soomaalida u dhexeeya in aanu kala xigsano dowlada Ugandha iyo Dowlada Kenya wax macno ay sameyneyso ma ay jirto, laakiin xaqiiqda waxaa weeye Hadii Ugandha ay Xamar heysato anagana waa nala heystaa Kenyaa na heysata. Hadii Kenya ay Kismaayo heysatana Xamar Ugaandhaa heysata marka taas yaan waqti la isaga lumin anaga cidi nama heysato Xamarna cidi ma heysato dadka Soomaaliyeed ayaa jooga waxyaabaha anaga naga dhexeeya aanu xalino aanu caqli la imaano
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
Raxanreeb.com
Minneapolis MN
Tell (612) 615-9556