Boosaaso (RBC) Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in maanta ganacsiga suuqa sarriflaha ee weyn uu hakadgalay saameyna uu ku yeeshay qeybaha kale ee ganacsiga magaaladaasi ka dib markii ganacsatada sarriflayaasha ay diideen inay qaataan lacag shilin Soomaali ah oo cusub.
Ganacsatada sarrifka ee Boosaaso ayaa beryahanba waxay ka cabanayeen in lacag nooc cusub oo shilin ah ay soo gashay suuqyada Boosaaso taasoo ay sheegeen inay tahay been abuur.
Mid ka mid ah ganacsatada ku nool Boosaaso ayaa Raxanreebu sheegay in dhowaan sy u cawdeen maamulka kuna wargeliyeen in wax laga qabto lacagtan cusub ee shilinka balse waxba aan laga qabanin iyaguna ay saaka diideen qaadashada lacagaha oo dhibaato ku ah, sida uu yiri ganacsigooda.
“Lacagtan waa nooc 1.000 shilin ah wayna ka yara weyn tahay lacagta kale ee hadda la isticmaalo.” ayuu sheegay ganacsadahaasi u waramay Raxanreeb.
Sida ganacsatadu ku doodeyso lacagtan cusub ee shilin Soomaaliga ah waxay ka timid dhanka deegaanada maamulka Khaatumo halka warar kale ay sheegayaan in lacagtan lagu farsameeyo warshad yar oo ku taalla degmada Cadaado ee maamulka Ximan iyo Xeeb, walow labada maamulba aysan xaqiijin arrinkan iyo waxa ka jira.
Illaa hadda maamulka Puntland iyo maamulka gobolka Bari ayaan weli wax hadal ah ka soo saarin cabashada ganacsatada iyo dhaqdhaqaaqa suuqa sarrifka Boosaaso oo ah kan ugu weyn gobollada Puntland ee maanta hakadka ay ku yimaadeen hawlihiisa.
RBC Radio
Boosaaso