Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Xildhibaan Abdulkadir Abdi Hashi oo ka Hadlay Jubbaland iyo D F ka, Deeqdii Puntland ay Celisay, Joojinta Nidaamka Axsaabta Badan ee Puntland iyo Arimo kale (Dhageyso)

$
0
0
Xidhibaan Abdulkadir Abdi Hashi

Xidhibaan Abdulkadir Abdi Hashi

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

AMA HALKAAN KA DHAGEYSO

Minneapolis (RBC Radio) Xildhibaan Abdulkadir Abdi Hashi (Gaabane) oo booqasho ku yimid Magaalada Minneapolis ayaa waxa uu wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyey RBC Radio.

Mudane Xaashi waxa uu soo dhaweeyey in xal degdeg ah laga gaaray isqaqabsigii ku saabsanaa Dimuqraadiyeenta Puntland ee u dhexeeyey xukuumada iyo Mucaaradka.

Xildhibaan isaga oo ka jawaabaya sida uu u arko dib u dhigista nidaamka axsaabta badan ee Puntland waxa uu yiri.

“Puntland waxaa wax lagu farxo ah   ay 15 sano gaartay hada dhinacyo fara badana laga sameeyey Dimuqraadiyeenta iyo adkeenta Dowladana arin sahlan maahan arin dhib badan weeye caqabada fara badana ka hor imaan karaan waan ka xumaha dadkii ku dhintay rabshadahaas waana ku faraxsan nahay in lasoo afjaray”

Xildhibaanka oo hadalkiisii sii wata waxa uu yiri.

“Aniga waxaan qabay mabda ahaan in nidaamka qabiilka ah laga gudbo oo loo gudbo nidaamka axsaabta iyo fakerka lagu soo dooranayo waana jeclaan lahaa in farsamo la helo ay dowlada iyo mucaaradka uga jeshiiyaan in mashruucii dimuqraadyeenta la sii wado oo farsamo lagu wada loo helo”

Dhanka Xildhibaan Xaashi waxa uu ka hadlay deeq dhawaan laga celiyey dekeda Boosaaso waxa uuna yiri.

” Marka raashin la keeno degaan maamul ka jiro waxaa fiican oo daruuri ah in laga tashado lanala wargeliyo   maamulka ka jira deegaankaas deegaan kasta oo Soomaaliyeed uu yahayba waana uga mahadnaqeynaa dowlada Turkiga iyo dowlada fedraalka kusoo aadinta ay Puntland kusoo aadiyeen, laakiin waxa ay aheyd in maamulka ay la wadaagaan dowlada Puntland ee Soomaaliya ka jirta deegaankaas qeybinta iyo maamulka ay talada kala wadaagan maamulka meesha ka jira bey runtii aheyd”

Xildhibaan Abdulkadir Abdi Hashi waxa uu ku baaqay in dib looga wada hadlo oo xal laga gaaro deeqdas ay ku deeqday Dowlada Turkiga.

” Waxaan jeclahay hadii la xaliyi karo qaab nocaas ah lagu xaliyo oo aysan  ku dhamaan sida hada ku dhamaatay”

Xidhibaan Xaashi oo ka hadlaya dhanka maamulka Jubbaland ayaa waxa uu u rajeeyey in Maamulka Jubbaland uu hanaqaado uuna dhismo umadana ay kawada muuqdaan.

” Maamula Jubbaland waa maamul dhismay oo Soomaaliyeed nidaamka dimuraadiga  federaaliga ah ee lagu heshiiyey qaab noocaas ah ayaa lagu dhisay in la dhameystiro oo wixii ka dhiman la dhameystiro waa wax wanaagsan in dad deegaanka ay iska wada dhex arkaana waa wax u wanaagsan deegaanka u wanaagsan waxaan Illaah ka rajeynayaa in maamulka uu hano qaado”.

Dhanka kale  Mudane Abdulkadir Abdi Hashi oo ka jawaabaya waxa dastuurka ka qabo sameynta maamul goboleed ka dhisma gudaha dalka waxa uuna yiri.

“Jubbaland waxa ay ka kooban tahay 3 Gobol marka waa uu buuxinayaa sharuudaha dastuurka”

Wareysiga oo dhameystiran halkaa hoose ka dhageyso

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

AMA HALKAAN KA DHAGEYSO

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles