Catnia{RBC Radio}Warbaahinta dalka Talyaaniga ayaa maanta sheegtay in ciidamada Bada Talyaanigu arkeen dooni ay saarnaayeen dad tahriibayaal ah oo ku quustay xeebaha dalkaasi
Doonta ku quustay xeebaha wadanka Talyaaniga ayaa sida la sheegay waxaa ku dhintay lix ruux oo ka mid ah dadkii tahriibayaasha ahaa ee saarnaa doonida.
Saraakiil ku sugan magaalada dekeda leh ee lagu magacaabo Catania ayaa sheegaya in dad badan oo muhaajiriin ah ay ka soo badbaadiyeen shilka qabsaday doonida.siday tahriibayaasha.
Waxaana ay wararka qaar tilmaamayaan in doonidu ku dhacday markab marayay xeebaha wadanka Talyaaniga.
Dadka ay doonto kula degtey xeebaha dalkaasi ayaa sida la sheegay u kala dhashay Soomaali Eritria iyo wadamo kale oo ku yaal qaarada afrika.
Qaramada Midoobe ayaa war ay ka soo saartay dadka tahriibayaasha ah ee ka gudbay sanadkan xeebaha u dhexeeya dalalka Liibiya iyo Talyaaniga,in ay gaarayaan 7800 oo ruux.
“Waxaa sidoo kale lagu la’yaha xeebaha u dhexeeya Liibiya iyo Talyaaniga 500 oo ruux oo sida la aaminsanyahay ku geeryooday xeeebahaasi sida ay sheegtay Qaramada Midoobe.
Doonta ayaa sida la sheegay waday 120 ruux oo tahriibayaal ah,dadkan ayaa damacsanaa in ay qaab tahriib ah ku galaan wadamada Midowga Yurub.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho